Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo qaadeysa tallaabadii ugu dambeysay ee ka mid noqoshada EAC

Arusha (Dawan)- Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah aqbaladeeda ugu gudbiso maanta oo Isniin ah Xoghayaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika, Dr. Peter Mathuki, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo kaxay Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Gudbinta Dukumintityada aqbalaadaan ayaa ka dhici kadoonta Magaalada Arusha, dalka Tanzania, waana tallaabadii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay ku noqoneyso waddankii siddeedaad ee Ururka Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.

Golaha Shacabka Somaaliya ayaa 10-kii bishi February cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ku biirista Soomaaliya ee Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika (EAC).

Dowladda Soomaaliya ayaa loo oggolaaday in ay ka mid noqoto ururka Bulshada Bariga Africa, bishii November ee sannadkii tegay, iyada oo noqotay dalkii sideedaad ee ka mid noqda ururka tan iyo markii dhidibada loo taagay sannadkii 2000

ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Africa ayaa loogu dhawaaqay shir madaxeedka 23-aad ee madaxda EAC, kaas oo ka dhacay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania, waxaana la siiyay muddo lix bilood ah si ay hay’adaha sharciga ah usoo ansixiyaan.

Ajendayaasha waaweyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ka mid ahaa in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Africa, isaga oo Cabdisalaam Cumar Hadliye u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii December ee sannadkii 2023 saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Bulshada Bariga Afrika waa urur Goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqotay dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos saaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here