Wednesday, December 4, 2024

Haweeney loo xiray kiiska wiil Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay Islii

Nairobi (Dawan)- Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ay ku noolyihiin Soomaali badan , ayaa waaydii ugu dambeeysay wajahaysa walaac weyn oo dhinaca ammaanka ah ka dib dilkii Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim, oo 25 sano jir ahaa. Booliska dalka Kenya ayaa soo xiray haweeney lala xiriiriyay dilkan, iyadoo afar qof oo kale ay su’aalo weydiiyeen si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Afhayeenka booliiska Kenya, Dr. Resila Atieno Onyango, ayaa xaqiijisay in haweeneydan la qabtay ay la taagnayd marxuumka xilligii uu dilku dhacay. Sida ay booliisku sheegeen, Cabdiraxmaan iyo haweeneyda la xiray ayaa ku wada taagnaa bannaanka hore ee dhismaha DD Plaza oo ku yaalla waddada 12-aad ee Islii, markaasi oo ay ku soo dhawaadeen dabley hubaysan oo dilka geystay.

Afhayeenka booliiska ayaa xustay in ciidanka amniga ay ku raadjoogaan dambiilaha ugu muhiimsan ee loo malaynayo inuu ka dambeeyo falkan dilka ah. Islii ayaa muddooyinkii la soo dhaafay la kulmeysay amni darro aad u baahsan oo isugu jira dilal iyo weerarro sharci darro ah, kuwaas oo cabsi weyn ku abuuray bulshada deegaanka.

Dadka ku nool Islii ayaa si joogto ah ugu baaqaya in la adkeeyo ammaanka xaafadda, iyadoo booliisku ay balanqaadeen in ay xoojinayaan howlgalada ay ku sugayaan badqabka shacabka si looga hortago falalkan argagaxa leh ee sii kordhaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here