Saturday, July 27, 2024

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo 500 oo Soomaali ah u fiiqeysa indhaha

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa bilaawday mashruuc indho fiiqis ah oo ay u samaynayso in ka badan 500 oo qof oo ku nool Soomaaliya, kuwaas oo aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka qalliinka indhaha.

Taner Kurt, oo ku xigeen ka ah xafiiska ay Hay’adda Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Soomaaliya ayaa sheegay xilli uu ka daahfurayay barnaamijkaan Isbitaalka Indhaha ee Caasimadda Muqdisho, in laga hir geli doono Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Doolow, si loo daboolo baahida dadka aan awoodda u lahayn in ay iska bixiyaan lacagaha lagu sameeyo qallimada indhaha.

Xaawo Yaasiin oo 70 jir ah oo ay abaaruhu soo barakiciyeen ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu in muddo sanado ah ay awoodi weysay in ay hesho daweyn maadaama aysan iska bixin karin lacagaha ku baxaya qalliinka.

“Ma haysto lacag aan dhakhtar ku tago, waxaan ku noolahay xero, muddo sannado ah si fiican wax uma arki karin, markii aan awoodi waayay kharashaadka isbitaalka, sidaas ayaan iskaga joogay, laakiin maanta Bisha Cas ee Turkiga ayaa naga bixisay lacagta qalliinka iyo baaritaanada. Aad baan ugu mahad naqaynaa iyaga iyo dhakhaatiirtaba” ayay tiri, Xaawo Yaasiin.

Caasho Saciid, oo isbitaalka keentay wiilkeeda oo 4-sano jir ah kaas oo ay indhihiisu ku waxyeeloobeen jadeecada, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay qalliinka , maadaama cunugeedu uu hadda kadib wax arki doono.

Wadamo badan oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Soomaaliya oo dhacda Geeska Afrika , ayaa kumannaan qof ku waayaan sannad walba aragooda, sababo la xiriira cimilada kulul, nafaqo-xumada iyo xaaladaha cimilada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here