Saturday, July 27, 2024

 Maxay salka ku haysaa booqashada Ra’iisal wasaare Xamsa ee Kismaayo?

Kismaayo (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa booqasho ku tegay magaalada Kismaayo, ee Maamul Goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu ku sheegay ujeedka booqashada in ay tahay u kuur gelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhashay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaano badan , dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka kooxda Al-shabaab, xarig jarka iyo dhagax-dhigga dhowr mashaariic oo horumarineed iyo xoojinta wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Intaas waa ajendayaasha muuqda balse waxaa jiro arrimo kale oo si hoose loo faaqidi doono.

Ra’iisal Wasaaaraha iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa booqday deegaano ay ka muuqato saameynta fatahaadii ka dhashay roobabka ka da’ya Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo ujeedku yahay in indhaha dunida iyo Soomaalidaba lagu soo jeediyo xaddiga dhibaatada fatahaaduhu geyteen.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo muddo sanad iyo bar ku dhow xilka haya, waa markii ugu horreysay ee uu booqasho ku tago Maamul Goboleedka uu kasoo jeedo, tan iyo markii uu xilka qabtay.

Inkasta oo booqashadu kusoo aaday iyada oo lagu jiro xaalad adag, hadana looma kala harin soo dhaweynta, dabbaal degga iyo mashxaradda wiilka kusoo laabtay deegaankiisa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa la filayaa in ay isla jeex-jeexaan arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay mas’uuliyadda awood qeybsiga ay dowladdu waajib uga dhigeyso in ay xal u helaan.

Dhibaatooyinka fatahaadaha ee uu gobolku la daalladhacayo waa kuwo muddo kooban ku eg, balse maashaakilka maamul ee gobolka ka jira iyo is qabadsiin la’aanta hannaanka dowladda Goboleedka Jubbalad waa mushkiladda dhabta ah ee Gobolka Gedo heysata.

Ra’iisul Wasaare Xasme oo gobolkaan ku metala dowladda Federaalka ah oo lagu daray Madaxweynaha ay xigtada yihiin ee Jubblanad xukuma, waxa ay noqoneysaa mas’uuliyad si gaar ah u saaran oo saameyn ku leh mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Gulufka wax ka bedelka dastuurka oo weji cusub siinaya habka awood qeybsiga dalka ayaa ah ajenda kale oo labada mas’uul hor yaalla.

Mowqifka Jubaland iyo kan Ra’iisul Wasaaraha ee taageersan aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in kulanka uu sii adkeeyo.

Xiisadda doorashada ee ka taagan Puntland iyo kala fogaanshaha Federaalka iyo Siciid Deni, waa howl kale oo labada mas’uul miiska u saaran.

Kaalinta Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda arrintaan ayaa aad loo dhaliilay iyadoo laga eegayo metalaaddiisa qabiil iyo dheellitirka awoodaha dowladda iyo deegaannada.

Axmed Maxamed Islaam oo ahaa xarig isku hayay Xasan iyo Siciid ayaa u muuqda inuu horay uga quustay gartan oo noqotay mid faraha ka baxday.

Arrinta kale ee culeyska kusii badineysa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah arrinta Khaatumo, inkasta oo dowladda Federaalka ah ay soo dhaweysay rabitaanka odayaasha reer Khaatumo, haddana dhameystirka dowlad Goboleedka waa howl aan fari ka qodneyn oo shaqo badan u baahan.

Saacadaha iyo maalmaha ay mas’uuliyiintu ku qaadan doonaan jawiga guriga martida Jubbaland oo Sharmasheekh loo garan ogyahay ayaa go’aan ka gaari doona xaalado taagan, kuwo soo socda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee mas’uuliyiintan iyo deegaanada ay metalaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here