Saturday, July 27, 2024

IGAD: heshiis kasta waa in loo maraa Dowladda Soomaaliya

Kampala (Dawan)- Shirweynihii 42-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee maanta oo Khamiis ah (18-ka Janaayo 2024) ka furmay Magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda dalka Suudaan iyo xiisaddii u dambeysay ee xirirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

War-saxaafadeedka ayaa ugu horeyn lagu muujiyay walaaca uu Ururku ka qabo is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Ururku waxa uu adkeeyay xaqiijinta mabaadi’da asaasiga ah ee ku dhisan ixtiraamka madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, iyada oo la dhowrayo mabaadi’daas asaasiga ah in kaliya heshiis kasta loo maraa ogolaanshaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa loogu baaqay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya in ay dejiyaan xiisadda, taas beddelkeedana ay galaan wada hadal wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo shirka kadib war soo saartay ayaa soo dhaweysay War-saxaafadeedka ka soo baxay IGAD ee lagu taageeray madax bannaanida, wada jirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Ismaaciil Cumar Geelle , Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti , ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana goob joog ka ahaa  William Ruto , Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya,  Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Salva Kiir Mayardit , Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan, Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda

Waxaa kale oo kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Moussa Faki , Guddoomiyaha Midowga Afrika,   Annette Weber, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika,  Michael Hammer, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Xusaam Zaki, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta;  Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenka xoghayaha fulinta IGAD iyo qaar kale.

Itoobiya ayaan ka qeyb gelin shir madaxeedkan lagu doonayay in lagu xalliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, waxaana la sugaya sida ay uga jawaabto War-saxaafadeedka kasoo baxay IGAD

Khubarada falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa u arka in baaqashada Itoobiya ay ka dhigantaahy in diblomaasiyad ahaan ay awoodi weysay in ay taageero u hesho hirgelinta heshiiska ay la gashay Somaliland sidaas darteedna ay wajiga ka ilaashaneyso in ay tagato madal looga hadlayo arrinta heshiiska.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku qoray ” In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya. Waxaa kaloo cadayn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso”

Itoobiya ayaa awood siyaasadeed ku dhax lahayd Ururka tan iyo markii dhidibada loo taagay iyada oo ka mid ahayd Dowladihii aas-aasay, waxaana hadda Xoghayaha fulinta ah Wasiirkeedi hore ee Arrimha Dibadda.

 Dowladda Itoobiya ayaa ka hor timid go’aan la mid ah War-saxaafadeedka IGAD oo kasoo baxay shirkii Jaamcadda Carabta ee dhacay 17- January 2024 kaas oo taageero iyo garab istaag loogu muujiyay Dowladda Soomaaliya sidoo kalena lagu diiday heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku guuleysatay dagaalka diblomaasiyadda ilaa iyo hadda, iyada oo taageero buuxa ka heshay Ururo caalami ah iyo inta badan Dowladaha daneeya Gobolka, inkasta oo ay adagtahay in la saadaaliyo qaabka ay ku dhammaan doonto xiisaddan kusoo korortay Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here