Saturday, July 27, 2024

Maxaad ka taqaan dowladaha dhaxdhaxaadka ah ee ku shiraya Uganda?

Kampala (Dawan)- Shirweynihii 19-aad ee Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah ayaa maanta oo Jimca ah ka billaawday Magaalada Kampala, iyada oo ay Dowladda Uganda kala wareegtay Guddoominta Dhaqdhaqaaqan Dowladda Azerbaijan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, oo furay shirka ayaa sheegay in shirku kusoo beegmay xilli nidaamka caalamiga ah uu wajahayo caqabado badan, waxa uuna ku baaqay in la sii wado midnimada dalalka xubnaha ka ah Dhaqdhaqaaqa Dhaxdhaxaadka ah, si wax looga qabto caqabadaha ka jira dunida.

Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda, ahna Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in aan la aqbali karin hannaanka caalamiga ah ee ku dhisan hal awood.

Shirka waxa looga doodaya xoojinta iskaashiga wada jirka ah ee Dowladaha ku jira dhaqdhaqaaqa si loo gaaro barwaaqo, waxaana qeyb ka ah Madaxda ka qeyb geleysa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo iska diiday inuu ka qeyb galo shirkii IGAD ee looga hadlayay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo shalay ka dhacay Uganda ayaa maanta goob joog ahaa shirkan

Waa maxay Dhaqdhaqaaga Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah?

Dhaqdhaqaaqa aan isbahaysiga ahayn ama Dowladaha Dhaxdhaxaadka waxaa ku jira 120 Dowladood oo u badan kuwa soo koraya, waana fikrad soo if-baxday xilligii dagaalkii qabooba.

Fikradda Kooxdan waxa ay ku sallaysantahay in aan lala safan mid ka mid ah labadii awoodeed ee uu ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa kuwaas oo kala ahaa Mareykanka oo hogaaminayay Galbeedka iyo Midowga Soofiyeeti oo hormuud u ahaa Bariga, si loo abuuro awood dhaxdhaxaad ah oo la socon karta siyaasadda caalamiga ah.

Fikirkadda lagu dhisay Dhaqdhaqaaqan waxa ay ka dhalatay shirkii Bandung ee ka dhacay Indonesia bishii April 1955, waxaana si rasmi ah lagu aas-aasay caasimaddii Yugoslavia ee Belgrade, sannadkii 1961-kii iyada oo ay goob joog ahaayeen 29 dal.

Madaxweynahii xiiligaas ee Yugoslavia, Josip Tito ayaa ugu baaqay wadamada soo koraya inay raacaan dariiq seddexaad oo ka duwan kii Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti.

Hogaamiyayaal kale oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii Masar, Jamaal Cabdinaasir iyo Ra’iisul Wasaarihii Hindiya, Jawaharlal Nehru ayaa kusoo biiray aragtidii Tito, ka dibna waxaa la qabtay shirweynihii ugu horeeyay oo ka dhacay Belgrade Sebtembar 1961, waxaana kasoo qeyb galay wakiilo ka kala socday 25 dal oo Asia iyo Afrika ah.

Mabaadi’da Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah

  • Siyaasad madax bannaan oo ku dhisan wada noolaansho iyada oo la iska ilaalinayo in dhinac loo xagliyo.
  • In la taageero Dhaqdhaqaayada u dagaalmaya madax bannaanidooda.
  • In aan xubin laga noqon isbaheysi ciidan oo khilaaf kala dhaxeeyo awoodaha waaweyn.
  • Dowladaha ka tirsan Dhaqdhaqaaqa waa in aysan waddan shisheeye u ogolaan inuu dalkooda ka sameysto saldhig ciidan.

Qaab dhismeekda Dhaqdhaqaaqa Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah


Waddamada ku jira Dhaqdhaqaaqa aan Isbahaysiga ahayn ayaa ku heshiiyey in aan la sameynin dastuur ama xoghayn joogto ah , si looga fogaado isku dhaca fikradaha ay kala aaminsanyihiin Dowladaha xubnaha ah.

Hoggaanka Dhaqdhaqaaqa ayaa ah mid meerto ah, waxaana qabta Dowladda marti gelineysa Shirweynaha iyada oo heyneysa ilaa laga gaarayo shirweynaha kale muddo seddex sano ah kadib.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here