Saturday, July 27, 2024

IGAD oo ka shireysa xiisadda Gobolka iyada oo ay Itoobiya maqantahay

Kampala (Dawan)- Shir Madaxeedka 42-aad ee aan caadiga ahayn ayaa Urur Goboleedka IGAD uga billaawday Caasimadda dalka Uganda, iyada oo ay Itoobiya ka baaqatay ka qeyb galka shirka.

Madaxweynaha Jabuuti, ahna Guddoomiyaha Ururka, ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir gudoominaya kulanka oo ay ka qeyb qaadanayaan Madaxda Dowladaha Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Uganda oo marti loo yahay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki. iyo Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa sidoo kale goob joog ah shirka.

Ajandaha shirka ayaa ah in xal deg deg ah laga gaaro khilaafkii ka dhashay heshiiskii Badda ee dhax maray Itoobiya iyo Somaliland kaas oo abuuray walaac xoogan iyo xiisad cusub oo halis ku ah xasiloonida Gobolka.

Shirka waxa sidoo kale looga hadlaya xaaladda Suudaan in kasta oo Madaxda Dowladda Suudaan ay qaadaceen ka qeyb galka shirka.

Khubarada falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa u arka in baaqashada Itoobiya ay ka dhigantaahy in diblomaasiyad ahaan ay awoodi weysay in ay taageero u hesho hirgelinta heshiiska sidaas darteedna ay wajiga ka ilaashaneyso in ay tagato madal looga hadlayo arrinta heshiiska.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku qoray ” In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya. Waxaa kaloo cadayn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso”

Itoobiya ayaa awood siyaasadeed ku dhax lahayd Ururka tan iyo markii dhidibada loo taagay iyada oo ka mid ahayd Dowladihii aas-aasay, waxaana hadda Xoghayaha fulinta ah Wasiirkeedi hore ee Arrimha Dibadda.

Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka ee dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa isaguna ka maqan shirka, iyada oo ay Suudaan shalay ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan la tacaamulkii kala dhaxeeyay Ururuka IGAD.

Cabdifataax Al-Burhaan ayaa dhaliilay qaabilaadii ay u sameeyeen qaar ka mid ah Dowladaha Geeska Afrika, hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Daglo, iyo casuumaddii loogu fidiyay inuu kasoo qeyb galo shir madaxeedka Kampala.

Eritrea oo dib ugu sooo laabtay Ururka kadib ka maqnaanshaheedi 16-ka sano ayaa sidoo kale ka maqan shirka inkasta oo aan la sheegin sababaha ay uga maqantahay.

Eritrea ayaa ka qeyb gashay shir madaxeedkii 14-aad ee caadiga ahaa ee lagu qabtay Jabuuti June 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here