Saturday, July 27, 2024

Itoobiya iyo Somaliland oo ka horyimid go’aanadii kasoo baxay J/Carabta

Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa ka hor yimid go’aankii kasoo baxay shirkii Jaamcadda Carabta ee dhacay shalay kaas oo taageero iyo garab istaag loogu muujiyay Dowladda Soomaaliya sidoo kalena lagu diiday heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa billaawgii bsihaan kala saxiixday heshiis ay isku dhaafsanayaan Bad iyo aqoonsi, kaas oo dhaliyay khilaaf soo kala dhax gala labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mesganu Arega oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta isku day lagu faragelinayo arrimaha gudaha iyo madax-banaanida Itoobiya.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Meles Alem ayaa sidoo kale ku tilmaamay go’aankii Jaamacadda Carabta mid aan la aqbali karin, isagoo caddeeyay in Itoobiya ay diiday.

Si la mid ah sidaas ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalailand soo saartay War-saxaafadeed ay ku muujineyso diidmadeeda go’aankii Jaamacadda Carabta ee shalay, iyada oo ku tilmaamtay ficil cadawtooyo oo ka dhan ah Somalailand.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa war-murtiyeedka ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta mid cadawtinimo ah oo ka dhan ah xaqa madax-banaanideeda iyo faro-gelin qaawan oo lagu hayo arrimaheeda gudaha” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeedka Somaliland.

Warsaxaafadeeda ayaa intaas ku daray in madax-bannaanida Somaliland ay tahay go’aan aan ka noqosho lahayn, iyada oo Shacabkeedu diyaar u yihiin inay u halgankooda sidii ay uga mira dhali lahaayen qaddiyadooda.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Golaha Wasiirada Arrimha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa qaraar ay soo saareen shalay ku taageeray Dowladda Soomaaliya, waxayna cambaareeyeen ficillada Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay inay khalkhal gelineyso ammaanka iyo nabadda Gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku guuleysatay dagaalka diblomaasiyadda ilaa iyo hadda, iyada oo taageero buuxa ka heshyay Ururo caalami ah iyo inta badan Dowladaha daneeya Gobolka, inkasta oo ay adagtahay in la saadaaliyo qaabka ay ku dhammaan doonto xiisaddan kusoo korortay Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here