Saturday, July 27, 2024

IGAD oo kala dirtay guddigii u qaabilsanaa xallinta khilaafaadka Suudaan

Jabuuti (Dawan)- Urur goboleedka IGAD ayaa kala diray guddigii uu hogaaminayay madaxweynaha Kenya, William Ruto oo loo xilsaaray xal u raadinta iyo soo afjaridda colaadda ka taagan dalka Sudan.

War-murtiyeedki kasoo baxay IGAD Axaddii ka dib shirka 41-aad ee Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkaan ee lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhaweeeyay warbixin dhammaystiran oo uu soo gudbiyay Ruto isaga oo ah Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka.

Ruto ayaa loo magacaabay bartamihii sannadkaan 2023-ka inuu hogaamiyo afar dal oo ay ku jiraan Kenya, Koonfurta Suudaan Jabuuti iyo Itoobiya.

Guddigaan ayaa loo xilsaaray in ay ka qayb-qaataan dadaallada lagu doonayo in xabbad joojin looga hirgeliyo Suudaan iyo in miiska wada hadalka la isagu keeno hoggaamiyayaasha labada dhinac ee is dagaalaya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfurta Suudaan Dr. James Pitia Morgan ayaa shirka kaddib saxaafadda u sheegay in Guddigii uu hogaaminayay Ruto ay soo gudbiyeen warbixin dhamesystiran kadibna lakala diray.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda arrinta Suudaan lagu celiyay ururka IGAD iyo Midowga Afrika

“Mas’uuliyadda hadda waxaa lagu wareejiyay IGAD iyo Midowga Afrika, waa dhamaatay shaqadii loo igmaday Guddigii xal raadinta ee ka koobna afarta dal. Howsha waxaa sii amba qaadi doona IGAD iyo Midowga Africa”. ayuu yiri. James Pitia Morgan

Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka ee dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa aad uga hor yimid hoggaaminta Ruto ee guddigaan isaga oo ku eedeeyay inuu dhinac la jiro.

Al-Burhaan ayaa codsaday in hannaanka wada xaajoodka uu hoggaamiyo madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, isagoo ku andacoonaya in Kenya ay taageerto Maxamed Dagalo oo hoggaamiya ciidanka dagaalka kula jira ee loo yaqaano (RSF).

Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billowday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo ciidammada kale ee kasoo horjeeda ee loo yaqaano (RSF) tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here