Saturday, July 27, 2024

Suudaan oo dalkeeda ka ceyrisay diblomaasiyiin Imaaraad ah

Khartoum (Dawan)- Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in 15 ka mid ah shaqaalaha safaaradda dowladda Imaaraatka Carabta ay ku amartay in ay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Suudan maalintii Axadda (shalay).

Wakaaladda wararka ayaa intaas raacisay in wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ay u yeertay sii hayaha xilka ku-simaha ee Imaaraatka Carabta ayna ku wargelisay go’aanka.

Dowladda Suudaan kama bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta go’aankaan .

Dabayaaqadii bishii hore, jeneraal sare oo Suudaan ah ayaa ku eedeeyay dowladda Imaaraadka Carabta in sahay u dirtay ciidamada dagaalka kula jira dowladda ee loo yaqaano (RSF), oo ah cudud awood leh.

Mas’uul u hadlay dowladda Imaaraddka ayaa arrintaas beeniyay, isaga oo sheegay in Imaaraadku dadaal ku bixisay tan iyo markuu dagaalka Suudaan billaawday in si wada hadal ah lagu dhameeyo khilaafka jira.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo ciidammada kale ee kasoo horjeeda ee loo yaqaano (RSF) tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here