Thursday, November 14, 2024

In ka badan 100 Itoobiyaan ah oo laga soo daad gureeyay Lubnaan

Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa kasoo daad gureysay dalka Lubnaan 125 ka mid ah muwaadiniinteeda u joogay dalkaas arrimo kala duwan.

Tillaabadan ayaa timid kadib markii ay Israel weerartay dalka Lubnaan dhamaadkii bishii hore, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalku kusii fido deegaano kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaaan, iyada laga shaqaynayo sidii dib loogu celin lahaa dalkooda, iyaga oo nabad qaba.

“Wasaaradda waxaa ka go’an in ay caawiso dhammaan dadka ku dhibaataysan dalka dibadiisa, waxayna hadda kala shaqaynaysaa xafiiska qunsuliyadda guud ee Beyruut sidii loo diyaarin lahaa in dad badan oo xaalado adag soo wajahay dalkooda dib loogu soo celiyo” sidaas waxaa wasaaradda kasoo xigtay warbaahinta dalkaas .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here