Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo hirgelisay School casri ah oo ay ku baxday $20 Milyan

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray iskuul casri ah oo isagu jira Hoose iyo Dhexe , kaas oo laga hirgeliyay xaafadda Nasiib ee degmada Balbala.

Iskuulkan oo lagu magacaabo NITOBE Inazo ayaa dhismihiisa waxaa ka gacan gaystay Dowladda Japan, waxaana ku baxday lacag dhan $20 Million, sida ay sheegeen Mas’iiliyiinta Jabuuti.

Tallaabadaan ayay Dowladda Jabuuti ku sheegay in ay qeyb ka tahay iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya laba Dowladood ee Japan iyo Jabuuti.

Dhismaha iskuulkan ayaa socday muddo sanad iyo labo bilood ah, waxa uuna ka mid yahay qorshaha iyo dadaallada ay Wasaaradda Waxbarashada Jabuuti ugu jirto yagleelidda waxbarasho tayo leh oo ay helaan ardayda dalkaas Jabuuti iyo Dugsiyo casri ah oo ku qalabaysan dhammaan agabkii waxbarashada, si ay ula jaanqaadaan dunida inteeda kale.

Mas’uuliyiin uu hor kacayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ka socda Dowladda Japan ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee iskuulkan, waxa ayna warbixino ka dhageysteen Maamulka iskuulka.

Sida uu sheegay Xuseen Xamuud Xirsi oo ah Maareeyaha School-ka cusub, ardayada wax ka baran doonta School-ka ayaa heli doonta waxbarasho tayo leh iyaga oo wax ku baran doona qalab casri ah iyo deegaan ku habboon waxbarashada oo isagu jira goobaha lagu nasto iyo kuwa lagu ciyaaro.

Dhismaha iskuulkan ayaa ku fadhiyo baaxad dhan 30 kun oo meter square, iyada oo ay halmar wax ku wada baran karto in ka badan 4 kun oo arday, waxa uuna ka koobanyahay 44 fasal oo 10 kamid ah ay iskugu jiraan fasalo sheybaarka lagu barto iyo fasalo ardayda lagu baro culuumta Tiknoolojiyadda.

Sidoo kale iskuulka ayaa leh goobo loogu talagalay ardayda in ay waqti ku qaataan xilliyada fasaxa oo ay ku ciyaaraan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tababarka Xirfadaha Jabuuti, Mustaf Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in School-kan uu yahay mid casri ah oo ka kooban Dugsiga Hoose iyo kan Dhexe, waxa uuna tilmaamay in loo diyaariyay qeybta qaabilsan caafimaadka oo lagu daweyn doono haddii ay wax soo gaaraan ardayda.

Xaafadda Nasiib ee Degmada Balbala ayaa yeelanaysa Dugsigii afaraad ee Hoose iyo Dhexe iskugu jira, iyadoo dhismaha iskuulkan uu qeyb ka qaadanayo bilicda iyo horumarka ka socda xaafadda Nasiib.

Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here