Saturday, July 27, 2024

Abiy Axmed iyo Biixi oo kala saxiixday heshiis Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho Bad

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku kala saxiixday Magaalada Addis Ababa heshiis u ogolaanaya Itoobiya in ay dekad ka hesho xeebaha Somaliland.

Heshiiska ayaa dhabbaha u xaari doona xaqiijinta hammiga Itoobiya ee ku aaddan helitaanka bad iyo dekad, sida ay baahisay Warbaahinta Itoobiya oo soo xiganeysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Warku waxa uu intaas ku daraya in Is-afgaradku sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in Heshiiska Is-afgaradku uu ku salleysanyahay iskaashi iyo wax is dhaafsi, isaga oo sidoo kale muhiim u ah is-dhexgalka Gobolka Geeska Afrika.
Heshiiskaan ayaa Itoobiya u sahlaya in ay kor u qaaddo doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo ammaanka Gobolka, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Dhankiisa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi u ah Somaliland, isaga oo sheegay in Itoobiya ay noqon doonto Dowladdii ugu horeysay ee aqoonsata madax bannaanidda Somaliland.

Muuse ayaa Warbaahinta ka hor sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka codsaday in ay ogolaadaan isticmaalka Baddooda, iyaguna ay weydiisteen in Itoobiya ay noqoto dalkii ugu horeeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax bannan.

Biixi ayaa yiri, “Waxaa noo farxad ah, oo aan uga mahad noqaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Itoobiyaba, sidaan ku heshiinay ee ku qoran halkaan in aan anagu ogolaano 20 kilomitir oo Bad ah, iyaguna ay markaaba na aqoonsadaan”

Muuse Biixi ayaa caddeeyay in xeebta ay siiyeen Itoobiya ay tahay mid kiro ah oo ay u isticmaali karaan ciidamadooda Marines-ka iyo in ay kala soo degaan waxyaabaha ay kala imaanayaan dibadda.

“20-ka km ee xeebta ah ee aan ogolaaneyno in ay ciiidamadoodu degaan waa kiro, ma ahan dhul la siinayo bilaashana ma ahan” ayuu hadalkiisa raaciyay, Biixi.

Heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somalilnd ayaa u muuqda ka mira dhalinta riyadii Itoobiya ee ahyd in ay mar uun Itoobiya gacanta ku dhigto xeeb ay u isticmaasho danaheeda gaarka ah, waxeyna kusoo beegmaysa hadal uu dhawaan sheegay Abiy Axmed oo ahaa in ay wax kasta u sameynayaan si ay u helaan Bad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Somaliland oo kusoo begmaya maalmo yar kadib markii ay Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland isku af-garteen in laga wada hadlo arrimaha masriiiga ee la isku hayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here