Berlin (Dawan)- Xiriirka Kubadda Cagta ee Jarmalka ayaa ku dhawaaqay, Isniintii, geerida ciyaariyahankii hore ee dalkaas, Franz Beckenbauer.
Beckenbauer oo ku geeriyooday da’da 78-aad ayaa dalka Jarmalka kula guuleystay Koobkii Adduunka 1974 isaga oo ciyaariyahan ah iyo 1990 isaga oo Tababare ah.