Saturday, July 27, 2024

Diyaarad siday gargaar oo shil ku gashay Wajeer

Wajeer (Dawan)- Wararka ka imaanaya Ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin ciidanka militeriga Kenya oo siday gargaar in ay shil ku gashay deegaanka Buna ee Wajeer.

Diyaaradda ayaa cellad ku timid xilli ay doooneysay in ay duusho, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Warbaahinta ka howlgasha Wajeer ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaraddaan ay tahay diyaaraddii labaad ee maanta shil ku gasha Wajeer.

Dowladda Kenya ayaa ku dadaaleysa in dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah in ay gargaar ugu geyso diyaaradaha maadaama waddooyinki ay xirmeen.

 Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ugu yaraan 80,000 oo qoys ay saameyn ka soo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobabka culus ee waddanka ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.
Gachagua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tirada ismaamullada ee ay daadadka ku dhufteen oo horay ahayd 19 ay hadda gaartay ilaa 33, isaga oo intaas raaciyay in la saadaalinayo in roobabka culus ee El Nino ay sii socon doonaan ilaa horraanta sannadka dambe ee 2024-ta.

Mombasa, Garissa, Tana River, Makueni, Marsabit, Kilifi, Kwale, Meru, Isiolo, Turkana, Samburu, Wajeer, Homa Bay, iyo Busia ayaa magaalooyinka ugu badan ee ay ka jirto dhibaatada ugu daran ee fatahaadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here