Saturday, July 27, 2024

Ireland oo taageereysa adeegyada bulshada ee DDS

Jig-jiga (Dawan)- Madaxwaynaha dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah iyo Qurbajoogta ee Ireland Ambassador Sean Fleming.

Waftigani oo Warbixin laga siiyay xaaladda guud ee deegaanka ayaa sheegay inaay xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida  kala shaqaynayaan caawinta dadka barakacayaasha ah iyo adeegyada kale ee aas-aasiga u ah bulshada.

Waxaa xusid mudan in waddanka Ireland iyo itoobiya ay maalintii shalay aheyd kala saxiixdeen deeq lacageed oo gaareysa 8.8 milyan oo Euro taas oo wax looga qabanayo barnaamijka shabakada badbaadada ee PSNP, Horumarinta caafimaadka waara iyo kobcinta awooda dib-uhabeynada barnaamijyada dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Madaxwaynaha dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa uga mahadceliyay wafdiga kaalinta ay Ireland ka qaadato horumarinta dhinacayda kala duwan ee guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaana dowlad Deegaanka Soomaalida, taas oo muujineysa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here