Saturday, July 27, 2024

Messi oo markii 8-aad ku guuleystay Ballon d’Or 

Paris (Dawan )- Ciyaariyahanka u dhashay dalka Argentina ee u ciyaara kooxda Inter Miami, Lionel Messi, ayaa xalay la guddoonsiiyay abaal marinta kubbadda dahabka ah (Ballon d’Or) ee ay bixiso majaladda Faransiiska ee “France Football” taas oo la guddoonsiinayo ciyaariyahanka ugu fiican kubadda cagta adduunka sannad kasta.

Waa markii siddeedaad ee Lionel Messi uu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or, taas oo ka dhigeysa ciyaariyahanka ugu badan ee la guddoonsiiyo abaalmarintaan, isaga oo sii fogeeyay record-kiisa iyo farqiga u dhexeeya ciyaariyahankii uu xifaaltanka ugu badan kala dhexeeyay tobankii sano ee lasoo dhaafay, Cristiano Ronaldo oo abaal marintaan ku guuleystay shan jeer.

Messi ayaa ugu sare maray liiska soddonka musharax ee abaal marintan u taagnaa, waxaana labaad iyo seddexaad kala noqday xiddigaha Erling Haaland iyo Kylian Mbappe.

Messi ayaa dalkiisa ku hogaamiyay in ay ku guuleysto ​​koobkii adduunka ee 2022-ka lagu qabtay dalka Qatar, isaga oo dhaliyay 7 gool, halka uu sameeyay 3 caawin, wuxuuna ku guuleystay ciyaariyahankii ugu fiicnaa Koobka Adduunka.

Waa markii seddexaad ee dalka Argentina ku guuleysto Koobka Adduunka.

Messi ayaa sidoo kale kooxdii uu kasoo tegay ee Paris Saint. – Germain kula guuleystay sannadkii hore horyaalka Faransiiska, waxa uuna sameeyay 16 gool iyo 16 caawin.

Dhanka kale, Ciyaariyahanka Erling Haaland ayaa ku guuleystay abaalmarinta Gerd Muller ee gool dhaliyaha ugu fiican, Goolhaye Emiliano Martinez ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayaha ugu fiican, halka Jude Bellingham oo u dhashay dalka Ingiriiska uu isna ku guulaystay abaal marinta da’yarka ugu fiican.

Waa kan liiska 30-ka ciyaariyahan ee u tartamaayay abaalmarinta Ballon d’Or) iyo sida ay u kala horeeyaan.

  • 1: Lionel Messi (PSG, Inter Miami & Argentina)
  • 2: Erling Haaland (Man City & Norway)
  • 3: Kylian Mbappe (PSG & France)
  • 4: Kevin De Bruyne (Man City & Belgium)
  • 5: Rodri (Man City & Spain)
  • 6: Vinicius Junior (Real Madrid & Brazil)
  • 7: Julian Alvarez (Man City & Argentina)
  • 8: Victor Osimhen (Napoli & Nigeria)
  • 9: Bernardo Silva (Man City & Portugal)
  • 10: Luka Modric (Real Madrid & Croatia)
  • 11: Mohamed Salah (Liverpool & Egypt)
  • 12: Robert Lewandowski (Barcelona & Poland)
  • 13: Yassine Bounou (Sevilla, Al Hilal & Morocco)
  • 14: Ilkay Gundogan (Man City, Barcelona & Germany)
  • 15: Emiliano Martinez (Aston Villa & Argentina)
  • 16: Karim Benzema (Real Madrid, Al Ittihad & France)
  • 17: Khvicha Kvaratskhelia (Napoli & Georgia)
  • 18: Jude Bellingham (Dortmund, Real Madrid & England)
  • 19: Harry Kane (Spurs, Bayern Munich & England)
  • 20: Lautaro Martinez (Inter & Argentina)
  • 21: Antoine Griezmann (Atletico Madrid & France)
  • 22: Kim Min-jae (Napoli, Bayern Munich & South Korea)
  • 23: Andre Onana (Inter, Man Utd & Cameroon)
  • 24: Bukayo Saka (Arsenal & England)
  • 25: Josko Gvardiol (RB Leipzig, Man City & Croatia)
  • 26: Jamal Musiala (Bayern Munich & Germany)
  • 27: Nicolo Barella (Inter & Italy)
  • 28= Martin Odegaard (Arsenal & Norway)
  • 28= Randal Kolo Muani (PSG & France)
  • 30: Ruben Dias (Man City & Portugal)

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here