Saturday, July 27, 2024

Samatar oo ku baaqay in doorashada Somaliland ku dhacdo waqtigeeda

Hargeysa (Dawan)- Hoggaamiyaha Xisbiga Hilaac, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Somaliland in ay qabtaan doorasho xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda.

Prof. Samatar oo socdaalkiisii ololaha Isniintii ku tegay Gebilay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda Somaliland, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Salal.

Professor-ku waxa uu sheegay in dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ay tahay in ay helaan xorriyad ay kaga qayb-galaan doorashada iyadoo aan lagu xireyn kala qaybsanaan siyaasadeed.

Sidoo kale waxa uu hadalakiisa ku daray saamaynta xun ee kala qaybsanaanta siyaasadeed ku leedahay wada jirka iyo wada noolaanshaha shacabka Somaliland.

Prof. Samatar ayaa mar kale ballan qaaday sida ay uga go’antahay in uu la shaqeeyo cid kasta oo si dimoqraadi ah loo soo doorto, haddii doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah, isaga oo xukuumadda ku eedeeyay in ay qeyb ka tahay colaadaha ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay caqabad ku noqday in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah.

Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa soo saaray in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay, waxa uu professor-ka si firfircoon uga hadlayay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo raadinta aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here