Saturday, July 27, 2024

Israa’iil oo lagu amray in aysan xasuuq u geysanin Falastiiniyiinta

Hague (Dawan)- Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa Jimcihii (shalay) soo saartay go’aan lagu farayo Israa’iil in ay qaado tallaabooyin looga hortegayo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo wax ka qabshada xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka Gaza, inkasta oo aysan ku dhawaaqin “xabad joojin”.

Go’aan ka yimid kadib markii ay Koonfur Afrika ku eedeysay Israa’iil in ay ku xadgudubtay heshiiskii Qaramada Midoobay ee ka hortagga ciqaabta iyo jirdilka ee 1948-kii, intii uu socday dagaalka Gaza.

Guddoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda Aduunka, marwo Joan E. Donohue, ayaa tiri, “Waxaan ka dalbaneynaa Israa’iil inay soo gudbiso warbixin ku saabsan tallaabooyinka ay qaadi doonto si looga hortago falalka xasuuqa ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta muddo bil gudaheed ah.”

Waxay ku dartay: “Waxaan xaqiijineynaa inaan awood u leenahay inaan go’aan ka gaarno dacwadda Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil.”

Gudoomiyaha Maxkamada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri ” Waxa aynu heynaa hadaladii mas’uuliyiinta Israa’iil ee ay dadka reer Gaza uga xayuubiyeen bini aadantinimada”

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa diiday codsigii Israa’iil ee ahaa in ay ka noqoto aqbalaadda dacwadda Koonfur Afrika ee ay soo gudbisay.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa dacwad ka gudbisay Israa’iil 29-kii December, ee sannadkii tegay, iyada oo ku eedaysay in ay ku xadgudbtay waajibaadka ka saaran ilaalinta Axdiga Xasuuqa, waxayna dalbatay in la qaado tallaabooyin looga hortegayo in xasuuq kale loo geysto dadka Falastiiniyiinta ah.

Koonfur Afrika ayaa ka codsatay Maxkamadda inay soo saarto sagaal go’aan oo ay ku jiraan in Israa’iil lagu amro inay si deg-deg ah u joojiso howlgallada militari ee Gaza iyo inaysan qaadin tillaabooyin kale oo uga sii daraya xaaladda Marinka Gaza.

Sidoo kale, waxay Koonfur Afrika soo jeedisay in la qaado tallaabo kasta oo looga hortagayo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta, in laga fogaado fal kasta oo ka soo horjeeda qodobka 2-aad ee Axdiga Xasuuqa, iyo in la hubiyo in dadkii barakacay ay dib ugu laabtaan guryahoodii ayna helaan gargaar bani’aadanimo sida cunto, biyo, shidaal, qalab caafimaad, hoy iyo dhar.

Koonfur Afrika waxa ay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la ciqaabo kuwa ku lugta leh falalka xasuuqa iyo in aan laga hor istaagin shaqaalaha caalamiga ah iyo mas’uuliyiinta kale inay galaan Gaza, si loo soo aruuriyo warbixino la xiriira waxa dhabta ah ee ka dhacay Gaza.

Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxa ay dagaal ba’an ku wadeen Marinka Gaza, waxaana lagu dilay dagaalkaas in ka badan 25 kun oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 63 kun oo u badan carruur iyo haween.

Duqeynta iyo weerada Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ayaa sidoo kale sababtay burbur ballaaran iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here