Saturday, July 27, 2024

Israel oo duqeyn ku dishay wiilashada hoggaamiyaha Xamaas

Gaza (Dawan)- Saddex wiil oo uu dhalay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, oo ay weheliyaan dhawr carruur ah oo uu awoowe u yahay, ayaa Arbacadii lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo ay Israel ka fulisay  xero qaxooti oo ku taal galbeedka magaalada Gaza

Duqeynta dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan qoyska Haniyeh oo ku sugnaa xerada qaxootiga ee Al-Shaati, xilli ay u socdeen in dadka xeradaas ku sugn la wadaagayeen  hambalyada farxadeed ee Ciidul Fidriga, sida ay goob joogayaal u sheegeen Anadolu.

Goob joogayaalka  ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta diyaaradeed ay gabi ahaanba burburisay gaariga, iyada oo ay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhammaan dadkii saarnaa gaariga.

Wakaaladda Wararka  Anadolu oo soo xiganeysa ilo dhanka caafimaadka ayaa sheegtay in weerarka cirka uu sababay dhimashada saddex ka mid ah wiilasha Haniyeh, kuwaas oo lagu kala magacaabo Xazem, Amiir, iyo Maxamed  iyo sidoo kale dhowr carruur ah oo ay dhaleen, waxaana jira dhawaacyo kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska warbaahinta u qaabilsan maamulka Gaza ayaa lagu yiri; “Ciidanka guumaystaha ee  Israa’iil ayaa xasuuq ba’an maanta oo Ciidul Fidriga ah u geystay qoyska Ismaaciil Haniyeh, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas kadib marki ay duqeyn la beegsadeen gaari ay saarnaayeen qaar ka  mid ah wiilashiisa iyo kuwa ay sii dhaleen.”

Weerarkan oo dhinaca cirka ah, waxaa ku dhintay shan qof, halka tira  kalena ay ku dhaawacmeen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu  cambaareeyay dilalka   ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, iyada oo isbitaallada la gaarsiiyay  in ka badan 125 qof oo meyd ah kuwaas oo  ay dileen ciidammada Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Haniyeh oo muuqaal soo duubay kadib dilka carruurtiisa ayaa yiri; “Gumeystuhu  waxa uu rumaysan yahay in marka la bar-tilmaameedsado wiilasha madaxda, in ay saameyn ku yeelan karto  go’aanka dadkeena, laakiin geeridooda waxa ay  sii xoojin doontaa ku adkaysiga mabaadi’deena iyo u dagaalanka dhulkeena .”

Hadalkiisa waxa uu raaciyay  “Wiilashaydu waxay  joogeen  Gaza, kamana cararin deegaankooda, waxaana la mid nahay dadka kale ee dhiigooda u bixinaya dhulkooda”

Waxaan u sheegayaa Israel, wixi aad awoodi weysay inaad ku hesho  xasuuq iyo burbur kuma heli doontid  miiska wadahadalka. ayuu hadalkiisa ku daray.

Ismaaciil Haniyeh  ayaa sheegay in hanjabaadaha Israel ee ku saabsan in ay weerari doonto dhanka koonfurta Gaza ee Rafax, halkaas oo ay gabbaad ka dhigteen  ilaa 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah in aysan cabsi gelin doonin shacabka iyo kooxaha iskacaabinta.

Israel ayaa weerar milateri ka wadday  marinka Gaza, tan iyo 7-dii October, waxayna ku  ku dishay ku dhawaad 33,500 oo qof, waxa ay sidoo kale xannibaad curyaamisay ku soo rogtay Marinka Gaza, taas oo keentay in dadka ku nool waqooyiga Gaza, in ay qarka u saaran yihiin inay macaluul u dhintaan.

Dagaalku wuxuu ku qasabay  85% dadka reer Gaza in ay barakacaan  iyada oo ay jirto cunto yari ba’an , sidoo kalena ay adagtahy in la helo biyo nadiif ah iyo dawo, waxaana burburay guud ahaan dhismooyiinkii deegaanka ahaa.

Israel ayaa wajaheysa eedeymo la xiriira xasuuq ka dhan ah dadka reer Falastiin, iyada oo ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ay hore usoo saartay qaraar ku amraya  Israel inay wax badan ka qabato sidii  looga hortegi lahaa dhimashada dadka rayidka ah iyo in macluul ay ka dillaacdo Gaza.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here