Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga oo laga xusay sanad-guuradii 6-aad ee kasoo wareegtay isbaddalkii Itoobiya

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa laga dhigay maanta bannaan-bax nabadeed oo lagu taageerayo sannad-guuradii 6-aad ee kasoo wareegtay isbaddalkii ka dhacay guud ahaan dalka Itoobiya iyo deegaanka.

Bannaan-baxan nabadeed oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta magaalada Jig-jiga waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyin uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida,Mustafe Muxummed Cumar, qaar ka mid ah maamulka sare ee deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in deegaanka Soomaalidu uu yahay deegaanka faa’iidada ugu badan ka helay isbaddalka guud ee dalka ka dhacay marka la eego dhinacyada Diinta, Amniga, Xoriyadda iyo Deganaanshaha Siyaasadeed.

Mustafe waxa uu intaas raaciyay in Isbaddalkii ka dhacay Itoobiya kaddib in uu Deegaanka Soomaalidu galay marxalad ka duwan middii uu hore ee ku dhisneed cabsi-gelinta, cabudhinta, dilka, dhaca iyo sumcad-dilka bulshada, iyada oo ay hadda joogaan mas’uuliyiin ilaalinaya sharciga sidoo kalena lala xisaabtami karo.

Banaanbax lagu taageerayo isbadalka 6 sano jirsaday ayaa ka qabsoomay dhammaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deeganka, iyada oo uu shacabku ku muujiyay taageerayay nidaamka Dimuqraadiyadeed ee uu Xisbiga Barwaaqo ku maamulo dalka iyo deegaankaba.

Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa ka socday sannadihii lasoo dhaafay dadaallao lagu hormarinayo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo ay kusoo laabteen deegaanka Qurba-joog dooneysa in ay maalgelin ka sameeyaan deegaanka kadib isbadelkii ka dhacay Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here