Wednesday, December 4, 2024

Jabuuti oo xoojinaysa tayada waxbarashada iyo fursadaha shaqo

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa si rasmi ah u daahfurtay imtixaanka xulista macallimiinta cusub ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026. Barnaamijkan, oo ay si wadajir ah u hirgeliyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Shaqada, wuxuu diiradda saaraya buuxinta 350 boos oo muhiim ah oo ka bannaan nidaamka waxbarashada dalka.

Imtixaanka waxaa u fariistay 4,620 macallin, kuwaas oo u tartamaya boosaska loo qorsheeyay inay qayb ka noqdaan kor u qaadista tayada waxbarashada Jabuuti. Mas’uuliyiin ka socda labada wasaaradood ayaa kormeeray goobaha imtixaanka, iyagoo hubinaya habsami u socodka hawsha iyo xaqiijinta tartanka loogu jiro fursadaha lasoo bandhigay.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Cabdullaahi Cali Maxamed, ayaa sheegay in imtixaanka uu si habsami leh u bilowday, isagoo carrabka ku adkeeyay in si hufan loo xulan doono 350 ka mid ah macallimiinta u tartamaya boosaska.

Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Jabuuti ku dooneyso inay kor ugu qaaddo fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo in tayada waxbarashada la gaarsiiyo deegaan kasta oo dalka ka tirsan. Ujeedka ugu weyn waa in la helo nidaam waxbarasho oo tayo sare leh oo u adeegaya jiilasha cusub ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here