Wednesday, December 4, 2024

Somaliya oo xoojisay dadaalkeeda deegaanka kuna biirtay urur cusub

Baku (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee loo yaqaano Global Green Growth Institute (GGGI), sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay page-ka ay wasaaraadda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu ku leedahay Facebook.

Tillaabadan ayaa muujineysa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in la horumariyo dhaqaalaha waara ee diiradda lagu saarayo ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga caqabadaha isbeddelka cimilada. Wasiir Khadiija Maaxamed Al-makhzoumi, ayaa ku tilmaamtay tillaabadan inay tahay mid muhiim ah oo ka caawin doonta Soomaaliya in ay gaarto himilooyinkeeda mustaqbalka ee ku aaddan la dagaalanka isbedelka cimilada.

Ku biiritanka Ururkan waxa uu kusoo beegmaya xilli adag oo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo ay jiraan abaaro iyo fatahaado soo noqnoqda. Mas’uuliyiinta dowlaaddu waxay sheegayaan inay ku howlanyihiin hirgelinta istiraatiijiyooyin lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo la hagaajinayo nidaamyada mashaariicda biyaha, beeraha iyo tamarta.

Magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, hadda waxaa ka socda shirka ay soo qabanqaabisay Qaramada Midobbaay ee looga hadlayo isbedelka cimilada, waxaana Soomaaliya ku metelaya wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.

Shirka COP29 waxa uu socon doona ilaa 22 bishaan November., iyada oo diiradda lagu saarayo dejinta yoolal cusub oo la xiriira maalgelinta iyo taageeridda dadaallada dalalka soo koraya si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada.

Wafdiga Soomaaliya waxa uu kulamo gaargaar ah la yeelanaya wufuud kale oo caalami ah si ay isku waydaarsadaan khibradaha iyo aqoonta ku saabsan xalalka waxtarka leh ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada

Kaalinta Global Green Growth Institute

Ururka Global Green Growth Institute oo dhidibada loo taagay sanadkii 2012kii, waa urur caalami ah oo ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha cagaaran ee waara, wuxuuna siiya taageero farsamo iyo mid dhaqaale dalalka xubnaha ka ah si ay u horumariyaan oo ay u hirgeliyaan siyaasadaha lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.

Ururku waxa uu taageero xoogan ku bixiya tamarta la cusboonaysiin karo, tignoolajiyada, biyaha, maareynta kheyraadka dabiiciga ah, iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Ujeedada ururku waa in la helo hannaan cusub oo ka qayb qaata kor u qaadista nolosha dadka iyo yareynta saamaynta taban ee isbedelka cimiladu ku yeesho dhaqaalaha iyo deegaanka.

Soomaaliya ayaa hiigsanaysa inay ka mid noqoto dowladaha ka faa’iidsta khibradaha iyo tignoolajiyada ururkan, si ay uga mira dhaliso dagaalkeeda ka dhanka ah masiibooyinka ka dhasha isbedelka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here