Saturday, July 27, 2024

Wasiirka Caddaaladda oo shuruud ku xiray wada hadal dhaxmara Dowladda iyo AS

Dooxa (Dawan)- Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Cali ayaa shuruud ku xiray haddii ay dhacdo in Dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ay wada yeelanayaan wada xaajood lagu soo afjarao dagaalka labada dhinac ee qaatay muddada dheer.

Wasiirka oo Muxaadaro ka jeediyay Xarunta Cilmi-baarista ee isku dhacyada iyo waxqabadka bini’aadantinimo ee dalka Qatar ayaa yiri, ” Haddii Al-Shabaab ay aqbasho in Dowladnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed  ay saldhig u noqdaan wada hadal, markaas waan wada hadli karnaa, waxaana rabnaa inaan ka aragno dhankooda niyad  wanaag.”

Wasiirka Caddaaladda ayaa dhanka kale ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland horraantii sannadka 2024, isaga oo tusaale usoo qaatay dagaalladii dhax maray labada Dowladood iyo natiijooyinkii ka dhashay oo aysan mahadin labada dhinac

Xasan Sheekh Cali ayaa yiri, ” Dagaalkii qaboobaa iyo  isbaheysiyadii ay kala galeen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhashay colaado keenay in ay Dowladdii Soomaaliya  burburto, Itoobiyana ay gasho dhibaatooyin iyo go’doon siyaasadeed”.

Wasiirku waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay xilligaan tillaabada ay qaaday Itoobiya ee ah in ay bad ku hesho heshiis ay la gasho Somaliland, isaga oo dib u milicsaday dagaalkii 2006 kadib markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Magaalada Muqdisho iyo dagaalkii khasaaraha badnaa ee dhacay.

“Waxaan moodaynay in duullaankii ay Itoobiya ku soo qaadday Soomaaliya 2006-dii iyo iska caabintii dadka Somaaliyeed ay soo afjartay isku daygii Itoobiya ay ku dooneysay in ay qabsato dhulkeena balse waan la yaabnay heshiiskii ay la gashay Somaliland billaawgii sannadkaan”.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay ” Tillaabada ay Dowladda Itoobiya qaaday  waa isku day khatar ah iyo hab-dhaqan aan ka fiirsi lahayn”.

Xasan Sheekh Cali, waxa uu tilmaamay in hannaanka ay Dowladda Soomaaliyeed qaadatay ilaa iyo hadda uu yahay in ay qaab diblomaasiyadeed uga hortagto hirgelinta heshiiska Itoobiya iyo Somaliland isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay guul ka gaareen.

“Diblomaasiyadda ayaa noo ah hannaanka aan uga  hortageyno isku dayga Itoobiya, waana ku guulaysanay, Itoobiya waxa ay gashay  go’doon diblamaasiyadeed beesha caalamkuna waxa ay garab istaagtay madax-bannaanida iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya”. ayuu yiri, Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here