Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo la filayo inuu Masar u safro

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago Magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaas, Cabdifataax El-sisi.
Madaxweyne Xasan ayaa Axaddii ku qaabilay Villa Somaliya wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Masar, waxeyna kawada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda kusoo cusbnootaay Gobolka.

Intuu kulanku socday, waxa uu wafdiga Masar ku celiyay in Madaxweyne El-Sissi uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida ay baahisay Villa Somalia.

Mowqifka Masar ee heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Madaxweynaha Masar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee Xasan Sheekh kala hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuuna caddeeyay mowqifka Masar ay ka taagantahay arrintaas oo ah in aan lagu xad gudbin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dibadda Masar ayaa lagu yiri, ” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar waxa ku adkeysaneysaa in ay lama huraan tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo keeni karta in ay wiiqanto qaranimada Soomaaliya”.

Itoobiya iyo Masar waxaa sannadihii lasoo dhaafay ka dhaxeeyay khilaaf dhanka Wabiga Nile ah kadib markii ay Itoobiya billawday dhisidda Biya-xireen ay rabto in ka dhaliso koronto.

Dhowr jeer oo ay Dowladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya wada galeen wada xaajood looga arrinsanayo saami qeybsiga biyaha Wabiga Nile, waa la isla gaari waayay xal waara, waxeyna Masar ugu dambeyntii wacad ku martay in ay difaaci doonto biyaheeda iyo amnigeeda haddii lagu xadgudbo.

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa iyada oo Soomaaliya ay ka heshay caalamka taageero buuxda oo lagu muujinayo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbanaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Madaxweyen Xasan oo hadda booqasho laba maalin ah ku bixinaya dalka Eritrea, ayaa hore u saxiixay sharci meesha ka saaraya heshiiskii dhinaca Badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sidee Itoobiya ku noqotay dalka ugu weyn dunida ee Bad la’aan ah?

Itoobiya ayaa lumisay dekedaheeda Badda Cas horaantii sagaashamaadkii ka dib dagaalkii xornimada Eritrea, kaas oo socday 1961 ilaa 1991-kii.

1991-kii, Eritrea waxay xornimada ka qaadatay Itoobiya, taasoo keentay in la dhiso laba dal oo kala madax bannaan, waxaana ka dhashay in Itoobiya ay noqoto dalka ugu weyn dunida ee Bad la’aan ah taas oo saameyn ku yeelatay awooddeeda in ay si hufan uga ganacsato Badda.

Xogta laga helayo is-afgaradka heshiiska ayaa tilmaameysa in Itoobiya ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer kuna sigatay in ay dagaal u gasho iyo saldhig ciidankeeda Baddu ay isticmaalaan halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay uga baxeyso go’doomin ay ku jirtay in ka badan soddon sano iyada oo laga yaabo in ay saami ka hesho Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here