Saturday, July 27, 2024

Itoobiya: Ku dhawaad 4 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto oo degdeg ah

Addis Ababa (Dawan)- Guddiga Maareynta Musiibooyinka Itoobiya ayaa ka digay cunno yarida ka jirta qaar ka mid ah Gobollada dalkaas ee ay abaaruhu saameeyeen , iyada oo ay ku dhawaad 4 milyan oo qof ay u baahanyihiin gargaar cunto oo deg-deg ah.

Meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen waxaa ka mid ah Gobolada Canfarta, Axmaarada, Tigray iyo Oromada.

Sida Guddigu sheegay, is biirsiga cunno yarida, biyo la’aanta iyo cuduradda dillaacay ee Mallaariyada, Jadeecada iyo Shubanku waxa ay kasii dareen xaaladda ay ku suganyihiin dadka ku nool Gobollada ay abaartu ku dhufatay.

In kasta oo ay jiraan caqabado badan hadana Dowladda Itoobiya oo kaashaneysa hay’adaha samafalka waxa ay dadaal ku bixineysaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta deegaano badan oo dalka ka mid ah gaar ahaan kuwa ay abaaruhu ka jiraan.

Tan iyo bishii December, kadib markii dib loo billaabay gargaarka bini aadantinimo, waxaa cunto la gaarsiiyay ku dhawaad 6.5 milyan oo qof oo ku kala nool Gobollada Axmaarada, Tigray, Soomaalida, iyo Canfarta.

Digniinta Guddiga Maareynta Masiibooyinka ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay dhibaatadii ugu xumeed ka jirto Gobolka Tigreega kadib dagaalladdii ka dhacay.

In ka badan 860 qof ayaa gaajo ugu dhintay Gobolka Tigray tan iyo bishii September, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Itoobiya.

Madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka Gobolka Tigray, Getachew Reda, ayaa dabayaaqadii bishii December sheegay in Gobolku ku jiro xaalad lagu tilmaami karo “masiibo” taas oo la mid ah macluushii 1984-kii oo malaayiin qof ku dhinteen Itoobiya.

Reda waxa uu sheegay in kumanaan Tigray ah ay u dhinteen cunto la’aan tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) bishii November 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here