Saturday, July 27, 2024

Mudaaharaad ballaaran oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Waxaa subxanimadii maanta isagu soo baxay waddooyinka caasimadda Muqdisho dad tira badan kuwaas oo dhigayay mudahaarad looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Dadweynaha ka qeyb qaadanayay mudaahraadka oo isagu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ardayda, ganacsatada, shaqaalaha Dowladda iyo mas’uuliyiin ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii bishaan January.

Daka kasoo qeyb galay bannan baxa ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah damaca Itoobiya sida ” Baddeenu iib ma aha” .

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadweyne aad u tira badan kula hadlay Taaladda Daljirka Daahsoon, iyaga oo ballan qaaday sida ay diyaar ugu yihiin difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Cabdulqaadir ayaa yiri, ” Dadka Soomaaliyeed waxa ay diyaar u yihiin in ay difaacaan dalkooda. Ma aqbalayaan, ma ogolaanayaan in taako ka mid ah dalkeena la iibsado”

Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin ,Wasiirka Caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb qaatay mudaahraadka lagu muujinayo sida ay dadka Soomaaliyeed uga soo horjeedaan isku dayga ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho Bad.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here