Friday, July 26, 2024

Golaha Wasiirada Somaliland oo meel mariyay miisaaniyadda 2024

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta meel mariyay miisaaniyadda cusub ee sannadka 2024-ka, taas oo sannadkaan diiradda saareysa arrimaha doorashooyinka.

“Fadhigii 122aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2024-ka oo Oddoroskeeda Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee sannadkaan lagu saleeyey Difaaca iyo Doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Wasiirada.

Miisaaniyadda sannadka 2024 ayaa gaareysa 3,432,316,337.448 (Saddex Tiriliyan, Afar boqol iyo laba iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo lix iyo toban Milyan, saddex boqol toddoba iyo soddon kun, Afar Boqol iyo siddeed iyo afartan) oo ah lacagta Somaliland.

Miisaaniiyadda sannadka ayaa ka kooban dhinacyada

• Miisaaniyadda guud ee Dowladda

• Miisaaniyadda Dowladda dhexe

• Miisaaniyadda Dowladaha hoose

• Hay’addaha Madaxa Bannaan

• Mashaariicda Baanka Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood kaddib cod geliyey anisixinta oddoroska miisaaniyadda sannadka, waxayna Golaha Wasiirradu cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku meel mariyeen oddoroska miisaaniyadda 33-aad taas oo loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada, si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Sida uu sheegay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire Miisaaniyadda sannadka 2024-ka waxaa udub-dhexaad u ah qodobbadaan soo socda:

• Did-u-dhiska difaaca dalka,

• kharashka doorashooyinka

• Isku dheellitirka dakhliga iyo kharashka,

• xakamaynta sicir-bararka,

• Kor u qaadista adeegga garsoorka,

• Dhiirrigelinta wax soo saarka,

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here