Monday, May 20, 2024

Itoobiya oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah Qowmiyadda Amxaarada

Itoobiya (Dawan)-Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa walaac xoogan ka muujiyay dagaaladii bishaan  ka dhacay gobolka Axmaarada ee woqooyiga dalkaas oo ay  ku dhinteen dad fara badan oo rayid  ah.

Iska hor imaadyo u  dhaxeeyay ciidamada Itoobiya  iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaanno “Fano” ayaa ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Axmaarada.

Afartii bishaan Agoosto, xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaa kusoo rogtay bandoow  gobolka Axmaarada, taas oo keentay in dagaalku yaraado maalmihii lasoo dhaafay.

Rabshadaha ka taagan dalka Itoobiya ayaa dhaliyay walaac laga qabo xasilooni darro ku timaada  dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, todobo bilood ka dib markii heshiis nabadeed laga gaaray colaad 2 sano  ka  taagneyd gobolka Tigray.

Hay’adda madaxa banaan ee xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa sheegtay in dagaalka ka socda gobalka Axmaarada la isku adeegsaday hubka culculus, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawaca dad rayid ah, iyo sidoo kale  khasaare hantiyeed.

Dowladda Itoobiya ma shaacin tirada dhimashada, balse goobaha caafimaadka ayaa tilmaamay dhimashda tobaneeyo qof iyo dhaawaca dad tira badan.

Hay’adaha u doodoa xuquuqda aadanmaha ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin ku saabsan xad gudubyo loo geystay dad rayid, waxaaana xabsiga loo taxaabay dad badan oo ay ku jiraan xildhiban iyo wariye.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen , dawladaha Maraykanka, Australia, Britain, Japan iyo New Zealand ayaa  walaac looga muujiyay rabshadihii dhawaan ka dhacay gobollada Axmaarada iyo Oromiya.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan dadka rayidka, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha, ayna ka wada shaqeeyaan sidii xal loo gaari lahaa” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here