Saturday, July 27, 2024

Itoobiya oo sheegtay in ay qabtay xubno ka tirsan AS iyo hub

Jig-jiga (Dawan)- War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga isku dhafka ah ee Amniga Itoobiya ayaa lagu sheeegay in la fashilliyay weerar ay kooxda Al-shabaab ku dooneysay in ay ka fuliso magaalooyiinka Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyada oo gacanta lagu soo dhigay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

“Gudiga isku dhafka ah ee Amniga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyay falal argagixiso oo ay kooxda Al shabaab ka fulin rabeen magaalooyinka DDS, lagu na soo qabtay 14 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada Al-Shabaab” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xubnaha la qabtay uu ka mid yahay Cali Cabdi oo loo yaqaano Macallin Cali oo ah hogaamiyaha xiriirka kooxda Al-Shabaab.



Xubanaha la qabtay ayaa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay weeraro ka geystaan ​​Magaalooyinka Jigjiga, Degmada Fiq ee Gobolka Erer, magaalada Wardheer ee Gobolka Doollo iyo Degmada Biki ee Gobolka Sitti ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, sida lagu sheegay warbixnta Guddiga sku dhafka ah ee Amniga Itoobiya

Howlgalka ay saameeyeen Ciidamada Amniga Ioobiyaa ayaa sioo kale lagu soo qabtay hubka nuucyadiisa kala duwan, sida war-saxaafadeedka lagu xusay.

“Hawlgalo ay Ciidamada Amnigu ka sameeyeen Magaalooyinka Ma’eyso ee Gobolka Sitti, Magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda, Degmada Higloley ee gobolka Qoraxay iyo waliba Magaalada Fiq ee gobolka Erer ayaa lagu soo qabtay hub ka kooban 84 Ak, 10 nooc oo walxaha qarxa ah iyo 12 qori oo waawayn”.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hawdka Degmada Gaashaamo ee Gobalka Jarar lagu qabtay walxaha qarxa oo la doonayay in loo gudbiyo dhanka xuduudka Itoobiya kala wadaagto Koonfurta Soomaaliya.

Guddiga iskudhafka ah ee Amniga Itoobiya ayaa Dawlada Deegaanka Soomaalida, Laamaha Amniga iyo shacabka Deegaanka uga mahadceliyey sida ka go’ntahay in laga wada shaqeeyo sugidda amniga iyo xasiloomidda.

Laamaha amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa gacanta kusoo dhigay bartamihii bishaan hub iyo dad ay ku eedeyeen in ay xiiir la leeyiihin kooxda Al-hsabaab ee ka daggaalanta gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu dagaal xoogan oo socday maalmo uu ku dhax maray ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-shabaab xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka mid ah Dowladaha usoo diray Ciidamadooda Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan Ilaalinta Nabadda iyo soo celinta xasiloonida Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here