Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo u awood sheegatay Suudaan tartanka Cecafa 18

Nairobi (Dawan)- Xulka Soomaaliya ee 18-jirada aaya guul weyn ka gaaray tartanka Cecafa U 18 ee sannadkaan lagu qabtay dalka Kenya.

Ciyaartoyda da’da yar ayaa 3 gool iyo waxba uga badiyay dhiggooda Suudaan, waxeyna rajo weyn ka qabaan in ay usoo baxaan wareega xiga, iyaga oo kulanka dambe la ciaari doona xulka marti gelinaya koobka ee Kenya.

Goolasha waxa kala dhaliyay Idiris Maxamed Bilaal ( 26 daqiiqo) Mahad Shiine iyo Maxamed Daa’uud (90 daqiiqo).

Ciyaartooyda Soomaalida waxaa ka muuqday isku xirnaan iyo isfahan qaab ciyaareed, marka la eego qaabka difaaca, raacashada iyo weerarka, iyaga oo ka faa’iideystay khibraddi ay ka heleen kulankii koowaad ee laga badiyay.

Mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka wanaagsan sidii hore, waxaana soo badanaya tartamada ay ka qeyb gelayaan xulka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan.

Da’yarta 15-jirada ayaa ka qeyb galay tartanka Cecafa U 15 oo dhawaan lagu qabtay dalka Uganda, halka xulka Qaranka uu ciyaaray laba kulan oo ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here