Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Itoobiya oo xusay xiriirkooda diblomaasiyadeed

Jabuuti (Dawan)- Saafaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti ayaa soo agaasintay munaasabad lagu xusayay xiriirka iyo saaxibtnimada ka dhaxeysa Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday labada dal, diblomaasiyinta fadhigeedu ayahy Jabuuti iyo marti sharaf kale

Safaaradda Itoobiyo ayaa soo bandhigtay keed taarikhi ah oo iskugu jiray qoraalo, sawiro iyo muqaalo kuwaas oo ka turjumayey xiriirka labada dal ee soo jiray muddada dheer.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Jabuuti, Yusuf Muuse Dawaale oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in iskaashiga saaxibtinimo ee Itoobiya iyo Jabuuti ee dhanka dhaqaalaha ah inuu sameeyay kobac ballaaran kaas oo qeyb ka qaatay horumarka labada dal.

Guddoomiyaha ayaa intaas raaciyay, in Dowladda Jabuuti ay hirgelisay dekado casri ah kuwaas oo suurta geliyay in ay ka faa’iideystaan Dowladaha deriska ah sida Itoobiya

Jabuuti waxay xoogga saartay dekedaheeda tan iyo bishii May 1998, markaas oo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu go’aansaday inuu dhammaan badeecadaha dalkiisa u wareejiyo  dekedda Jabuuti kadib markii ay dagaalkii  Eritrea ku waayeen dekaddii Assab .

Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Jabuuti waxa ay dhaqaale badan ku bixisay horumarinta kaabayaasha dekedaheeda, hadana waxa ay leedahay  shan dekedood oo lagu tiriyo kuwa ugu horumarsan qaaradda Afrika, iyada oo sidoo kale hirgelisay waddooyin waaweyn iyo tareennada korontada ku shaqeeya ee isku xira  dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysaa in ay sannadkaan kala soo degto dekedaha Jabuuti 2.3 milyan tan oo ah abuurka bacriminta iyada oo la filayo in uu kordho abuurka Itoobiya 64% marka lala barbardhigo sannadkii hore.

Iskaashiga diblomaasiyadeed ee Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la meelmariyay sannadkii 1897-kii, iyada oo isbddel xoogan ku yimid marxaladihii lasoo dhaafay, waxeyna labada Dowladood iska kaashadaan dhinacyada kala duwan sida, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here