Saturday, July 27, 2024

Qatar oo markii 2-aad oo xiriir ah ku guuleysatay koobka Asia

Dooxa (Dawan)- Xulka Qaranka kubadda cagta ee Qatar ayaa ku guuleystay koobka qaramada Asia oo sanadkaan lagu qabtay dhulkooda kadib markii ay 3-1 uga badiyeen dhiggooda Jordan

Akram Cafiifi ayaa noqday geesiga ciyaarta kadib markii uu seddex gool u dhaliyay xulka Qatar oo marki labaad oo xiriir ah ku guuleysanaya koobka Asia.

Yazan Abdallah Ayed Alnaimat ayaa Jordan u dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta daqiiqadii 67-aad balse ciyaartoyda Jordan waa awoodi waayeen in ay dhaliyaan goolal kale.

Tartankaan oo ah kii 18-aad ee Koobka Kubadda Cagta Asia ayaa soo billaawday 12-kii bishii hore ee January , iyada oo xafladda furitaanka lagu qabtay garoonka Lusail Stadium, oo qaada 88,000 oo taageerayaal ah, waana garoonkii lagu qabtay finalkii koobka adduunka 2022.

Koobka kubadda cagta ee qaramada Asia waa markii seddexaad ee lagu qabto dalka Qatar, kadib markii ay marti gelisay sannadihii 1988-kii iyo 2011-kii, waxa ayna kusoo beegantaahy sannad kadib markii ay marti gelisay koobkii adduunka ee 2022.


Kulamada ciyaaraha ayaa lagu ciyaaray  9 garoon oo intooda badan lagu ciyaaray koobkii adduunka ee lasoo dhaafay.


Guddiga qabanqaabada tartanka ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha ka soo xarooda tigidhada ciyaaraha loo qoondeyn doono in lagu taageero dadaallada gargaarka ee dadka reer Falastiin, kuwaas oo ay soo food saartay dhibaato bini’aadantinimo oo ay sabab u tahay weerarada ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza.


Tartankan ayaa hore loo qorsheeyay in lagu qabto dalka Shiinaha 2023-ka, balse Beijing ayaa ka cudur daartay martigelintiisa sababo la xiriira daruufaha ka dhashay fayraska Corona, sidaas darteed Xiriirka Kubadda Cagta Asia ayaa go’aansaday in loo wareejiyo dalka Qatar.

Xulka Japan oo kaalinta labaad galay 2019 ayaa ah qaranka ugu qaadista badan koobkaan, waxa uuna ku guuleystay afar jeer oo kala ahaa 1992, 2000, 2004 iyo 2011.

Xulkaan lagu naaneyso Samurai Blue ayaa ka soo muuqaday shan final ah oo ka mid ah siddeedii final ee tartankan. Guuldaradii ay Qatar kala kulmeen koobkii lagu qabtay Imaaraadka sannadkii 2019-ki ayaa ahayd marka kaliya ee ay guuldaro la kulmaan kulan final ah.

Halka xulka qaranka Iran uu yahay xulka kaliya ee qaaday saddex koob oo isku xigta, ka dib markii ay qaadeen sannadkii 1968-dii, iyaga oo difaacday sannadihii ku xigay ee 1972 iyo 1976.

Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuleysatay tartankii ugu horreysay ee 1956-kii, waxayna mar kale qaaday afar sano ka dib, halka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku guuleysatay koobka laba sana oo isku xigtay kuwaas oo ahaa sannadihii 1984 iyo 1988.

Laba final oo kaliya ayaa lagu kala baxay koobka Asia rigoorayaal, waxaana labada jeer ba ku guuleystay xulka Sacuudi Carabiya.

Sacuudiga ayaa rigoorayaal uga qaaday koobka Asia, qaramada kala ah Jamhuuriyadda Kuuriya 1988 iyo Imaaraadka Carabta sannadkii 1996, iyada oo labada jeer ba ay ciyaaruhu ku dhamaadeen bar bar dhac ah 0-0.

36-dal ayaa hore uga qeyb qaatay tartanka koobka balse Xulka Tajikistan ayaa noqday qarankii 37-aad ee ka qeyb qaatay koobka qaramada Asia, tan iyo markii la billaabay sannadkii 1956-kii, waana koobka labaad ee ugu da’da weyn marka laga hadlayo koobka qaaradaha. Copa America ayaa koowaad ah .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here