Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Kenya oo sare u qaadaya iskaashiga ganacsiga

Jabuuti (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa sare u qaadaya xiriirka ka dhaxeeya iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo diblomaasiyadda.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses Masika Wetangula uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Jabuuti.

Moses Masika Wetangula oo khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka Jabuuti ayaa caddeeyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sare u qaadista iskaashiga xiriirka diblomaasiyadeed, iyo ganacsiga ka dhexeeya labada waddan.

Guddoomiyuhu waxa uu khudbadiisa ku sharraxay qorshaha dowladda Kenya ee lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay xoojinta istaraatiijiyadda diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee dan u ah Kenya iyo Jabuuti.

“Waxaa naga go’an horumarinta, kobcinta iyo isdhexgalka Gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri, Wetangula

Iyada oo laga amba qaadayo xoojinta ganacsiga ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ku dhawaaqay in diyaaradda Kenya Airways ay dib u billlabi doonto duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi iyo Jabuuti, waxa uuna yiri:

“Diyaaradda Kenya Airways waxay duulimaadyadeeda tooska ah ee Nairobi iyo Jabuuti billaabi doontaa labada bilood ee socota gudahooda. Tillaabadan muhiimka ah ayaa la filayaa inay ka qeyb qaadato socdaalka dadka iyo badeecadaha isaga gooshaya labada dal”

Jabuuti iyo Kenya ayaa horraantii sannadkaan ku heshiiyey in muwaadiniinta labada dal aysan soo qaadan wax dal ku gal ah marka ay doonayaan in ay u safraan Kenya ama Jabuuti.

Labada dal ayaa sidoo kale isku afgartay in la dhiso Golaha ganacsiga ee Kenya iyo Jabuuti oo ka shaqayn doona fududaynta iskaashiga arrimaha la xiriira ganacsiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here