Friday, July 26, 2024

Soomaaliya oo codsaday in gacan laga siiyo wax ka qabashada cimilada

Dubai (Dawan)- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan ku weheliya ka qeyb galka shirka  caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ee ay dowladda Imaaraadku martigelineyso, ayaa ka sheekeeyay dhibaatada uu isbeddelka cimiladu ku yeeshay nolosha iyo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka waxa uu adduunka xasuusiyay in afar xiili roobaad oo aysan Soomaaliya ka da’in wax roob ah in uu dalku qarka u fuulay macluul, isaga oo intaas raaciyay in hadana markale ay Soomaaliya ka jiraan daad xooggan kuwaas oo ka dhashay isbeddelka cimilada

Wasiirku waxa uu caddeeyay in Soomaaliya aysan gacan ku lahayn isbeddelka cimilada hadana ay ka mid tahay dalalka ay ka jiraan dhibaatada ugu badan ee ka dhasha isbeddelka cimilada .

Dr. Cali Xaaji ayaa ka codsaday dunida in Soomaaliya gacan laga siiyo wax ka qabashada cimilada sida cudurada faafa, Fulinta habka digniinta ugu horayso, fududeenta agabka caafimaad iyo in la xoojiyo ha’adaha caafimaad si looga fakiro badqabka caafimaad ee bulshada.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay go’antahay qeyb ka qaadashada dadaadalada cimiliada aduunka lagu xalinaayo,  si loo helo adduun deggan oo akeeysi u leh saameynta isbeddelka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here