Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Qatar oo dib u eegis ku sameeynaya iskaahiga Garsoorka

Doxa (Dawan)- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Mascuud bin Maxamed.

Intii lagu guda jiray kulanka laba geesoodka ah ayaa dib u eegis lagu sameeyay xiriirka iskaashi ee dhanka Hay’adaha Garsoorka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo Qatar iyo sidii loo xoojin lahaa, loona horumarin lahaa.

Waxaa sidoo kale dib loo eegis lagu sameeyay isweydaarsiga khibradaha sharciga iyo qaanuunka ee labada dal, waxaana la isla gartay in la sameeyo hannaan wax ku ool ah si loo xoojiyo dhinacyada iskaashiga iyada oo lakala saxiixanayo heshiisyo la xiriira arrimahaan.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda a Jabuuti iyo wafdigii la socday ayaa markii uu soo idlaaday kulanka waxa ay kormeer ku tageen qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Cadaaladda dalka Qatar iyaga oo dhageystay warbixin ku saabsan khibradda ay dowladda Qatar u leedahay dhanka tababarada iyo sharciyada hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn

Wafdiga Jabuuti ayaa sidoo kale wax laga tusiyay khibradda dowladda Qatar ee dhinacyada diwaangelinta hantida ma guurtada ah, dukumentiyada iyo adeegyada sharci ee ay Wasaaradda Caddaaladdu u fidiso shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa bogaadiyay khibradda sharci ee Qatar iyo adeegyada ay Wasaaraddu bixiso ee dhinaca sharciga, isagoo rajo ka muujiyay in laga faa’iidaysto khibraddaan ku jirta hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here