Saturday, July 27, 2024

Turkiga iyo Qatar oo kala saxiixday 12 heshiis oo dhinacyo kala duwan ah

Doxa (Dawan)- Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa maanta oo Isniin ah kala saxiixday 12 heshiis oo dhinac kala duwan ah si kor loogu qaado iskaashiga adag ee ka dhaxeeya labada dal.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqasho ku joogo dalka Qatar si uu uga qeyb galo shirka sagaalaad ee guddiga istaraatiijiyadda sare ee labada dal.

Labada dal ayaa kala saxiixday war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee shirkii 9-aad ee Guddiga Istiraatiijiyadda Sare ee Turkiga iyo Qatar.

Heshiisyada iskaashiga ee la kala saxiixday waxaa ka mid ahaa dhinacyada siyaasadda, dhaqanka, militariga, gargaarka bini’aadantinimo iyo dhinacyada shaqada.

Cumhurbaşkanı Recep Tayyip Erdoğan ile Katar Emiri Şeyh Temim bin Hamed Al Sani huzurunda çeşitli alanlarda 12 iş birliği anlaşması ile Yüksek Stratejik Komite 9. Toplantısı Ortak Bildirisi imzalandı. Törende Türkiye adına, Dışişleri Bakanı Hakan Fidan, çeşitli sözleşmelere imza attı. ( Murat Kula – Anadolu Ajansı )

Labada dhinac ayaa sidoo kale qalinka ku duugay heshiisyo iskaashi oo dhinacyada waxbarashada, cilmi baarista sayniska, farsamada, isgaarsiinta maaliyadda, maalgashiga iyo ganacsiga.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo dhiggiisa Qatar, Maxamed bin Cabdiraxmaan Al -Thani ayaa saxiixay “Baaqa Wadajirka ah ee Shirkii Sagaalaad ee Guddiga Istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Turkiga iyo Qatar.”

Turkiga iyo Qatar ayaa wadaaga xiriir iyo iskaashi xooggan , waxaana labada hoggamiye ee dalalkaas ka dhaxeeya saaxibtinmo gaar ah iyo wada shaqeyn joogto ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here