Saturday, July 27, 2024

Booliska Somaliland oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dil

Hargeysa (Dawan)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen fal dil ah oo 14-kii November 2023 ka dhacay xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa laguna dilay Marxuum Xasan Dacar oo 46 jir ahaa.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Xamsa Cabdi Saleebaan (23 jir) iyo Ayaanle Muxamed Xaashi (22 jir) ayaa la soo qabtay kadib baaritaano ay sameeyaan laamaha kala duwan ee amniga qaabilsan, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Taliska Booliska ayaa intaas raaciyay in ragga lasoo qabaty ay dileen Marxuumka kadibna ay qaateen taleefoonkiisa gacanta.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xasan Dacar, ayaa ahaa Tagsiile, waxayna eedeysanayaashu iska dhigeen macaamiil kadibna waxay geysteen fal dambiyaad isagu jira dil iyo dhac.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedaysanayaashaan ay sidoo kale dhac iyo dhaawac u geysteen dhibbane kale oo lagu magacaabo Mustafe Cali Cabdullaahi, oo ahaa darawal tagsi, November 3, 2023.

Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ballan qaaday in ay awood u leeyihiin ka hortagga falal dambiyeedyada nuucaan oo kale ah ama in ay ka daba tagaan haddii ay dhacaan iyada oo lasoo qabto dambiilayaalka si loo hor geeyo sharciga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here