Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Sacuudiga oo kala saxiixday dhowr heshiis

Jabuuti (Dawan)– Dowladaha Jabuuti iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday dhowr hehsiis oo kor loogu qaadayo xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Heshiisyadaan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Jabuuti lagu qabtay Kalfadhigi Shanaad ee Guddiiga Wadajirka ah ee Jabuuti iyo Sacuudiga oo ay wada guddoomiyeen Wasiirka Arriimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka Gaadiidka Sacuudiga, Saalax bin Naasir.

Wasiirka Gaadiidka Sacuudiga ayaa sharraxaad ka bixiyay hiigsiga Boqortooyada 2030 ee lagu dhisayo dhaqaale firfircoon oo daboolaya dhinacyo kala duwan, sida warshadaha, maalgashiga, iyo bixinta fursadaha kobaca ee ganacsatada, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in iskaashigu udub dhaxaad u yahay dhammaan howlahaas.

Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashiga ganacsi ee kala dhaxeeya Jabuuti inuu kor u kacay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo gaaray 2.7 bilyan oo riyal, taas oo micnaheedu yahay inuu sameeyay kor dhan 7.43% sannadkii.

Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka Jabuuti, Xasan Xumad ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu shirka Guddiga Wadajirka u leeyahay kor u qaadista iyo iskaashiga labada dal, isaga oo xusay sida ay Jabuuti ugu dadaaleyso ka mira dhalinta yoolalka lagu hormarinayo dhinacyada kala duwan sida Dekedaha, Gaadiidka iyo Waddooyinka .

Gabagabadii kulanka kadib ayay labada dowladood kala saxiixdeen dhowr hehsiis oo kor loogu qaadayo iskaashiga ka dhaxeeya Jabuuti iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Heshiisyada lakala saxiixday ayaa ahaa:

Wasaaradaha Gaadiidka ee labada dowladood waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan adeegyada saadka.

Wakaaladaha Wararka labada dowladood waxa ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi iyo isdhaafsiga wararka.

Maamuladda Idaacadaha iyo Telefishinada labada dowladood waxa ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi iyo wada shaqeyn.

Jabuuti iyo Sacuudi ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku saabsan dhanka dhoofinta xoolaha.

Wafdiga Sacuudi ka socday ayaa booqasho ugu tegay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxa ayna gaarsiiyeen fariin ay uga sideen Boqorka Sacuudiga oo ku saabsaneed bogaadinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo mahadcelin la xiriirta booqashdii uu dhawaan ku tegay Geelle Sacuudiga si uu uga qeyb galo shirarkii lagu qabtay magaalada Riyaad ee kala ahaa Shirkii dalalka Islaamka iyo Carabta iyo shirkii iskaashiga Sacuudiga iyo dalaka Afrika.

Dowladaha Sacuudiga Iyo Jabuuti ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah iyaga oo iska kaashada dhinacyada amaanka xeebaha, maalgashiga, waxbarashada iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here