Monday, May 20, 2024

Yagleelka Jamahuuriyadda 5-aad: U saldhigidda Qaran Soomaaliyeed iyo xalka mashaakilkeena

Muqdisho (Dawan)- Dhismaha xukuumad aan ku saleysnayn xisbi guuleystay iyo axsaab isku garab dhacay oo wadaaga talada midna, halbeegga qabiilkuna yahay miisaanka kaliya ee la heli karo waa howsha koowaad ee dowlad kasta ee dhalata.

Dhamaadka dhismaha xukuumadda iyo u dhaqaaqidda howlgalka waa billowga khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Kala kooxeysiga, hiillada qabiilka iyo is eedeynta bilaabata waxay ku dhamaataa Golaha shacabka iyadoo galaafata Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweynaha oo la daallaa dhacaya garaafooyinkii ka soo gaaray riigtanka Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa billaaba dhismaha xukuumad cusub oo kale, meertadaas ayey ku soo socotay tan iyo dib-u-dhiskii dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha nasiibka badan ayaa arrintaan la kulmay ugu yaraan laba jeer, kuwa kalane waxay gaarayeen saddex iyo ka badan. Ra’iisul Wasaaraha ugu dambeeya muddo xileed kastana  waxa uu sabab u noqdaa guul darrada Madaxweyanaha marka doorashada la gaaro. Waa dhaqan siyaasadeed oo aan marna doorsoomin, qarankana qoorta iyo qoobka iskaga xiray, sababta ugu weyn ee burburka iyo dib u dhacana noo ahaa.

Doorasho kasta oo uu dalku galay laga soo billaabo 1960-kii waxaa la socday hubanti la’aan iyo walwal ay bulshadu ka qabtay burbur dowladeed. Jamhuuriyaddii curadka ahayd ee la dhalatay xornimada kuna saleysneed nidaamka dimuqoraadiga axsaabta badan waxay ku burburtay gacanta ciidamada kadib u-qaadan waa ka dhashay natiijada axsaabta qabiileysan ee hareeyay labadii doorasho ee dhacay.

 Jamhuuriyaddii kalitaliska ee muddada ugu badan xukuntay waddanka waxay ku burburtay gacmaha kacdoomayaal siyaasiyiin ah oo ka biya diiday hab-xukunkii qabiilka ku dhisan ee askarta.

Muddo xasillooni la’aan ah iyo dhismaha dowlado kumeel gaar ah oo qaatay 20 sano oo jahwareer ah, waxaanu u aqoonsanay jamahuuriyadda Saddexaad “Jamhuuriyad madow”.

Dhalashadii jamhuuriyadda Afraad waxay la kowsatay Soomaaliya oo ka baxday nidaamkii kumeel gaarka ahaa taas oo dhaxalsiisay taageero caalami ah iyo aaminaad bulsho, nidaam doorasho oo ay qabaa’ilku go’aamiyaan, ciidamo ajnabi ah oo dowladda ilaaliya iyo awoodo la isku maray oo madaxda dowladda heerarkeeda kala duwan lagu dhex seyray, balse nidaamkaan waxa uu xaqiijiyay guulo waaweyn oo rajo abuuray; Hirgelinta nidaamka Federaalka, qabsoomidda doorashooyin xaqiijiyay in si nabad ah xukunka loo wareejiyay iyo horumar laga sameeyay dhanka ammaanka iyo kaabayaasha.

Wax ka bedelka “Xeerka Ciyaarta Siyaasadda”

Dejinta xeerarka ciyaarta siyaasadda ee xadeeya damaca siyaasiga, ilaaliya xuquuqdiisa oo qayaxa hab-raacyo mideysan oo la wada ogyahay oo loo maro kasbashada awoodaha xukunka, laguna waayo oo xaakimka xeyndaab, xakame iyo hage u noqda, waa waxa ugu muhiimsan ee Soomaaliya maanta u baahan tahay si ka badan adeeg kasta ee dowladeed.

Isku dayga dowladda ee arrintaan waxa uu furayaa gal xasaasi ah, lama taabtaan ah oo ay ilaashadaan siyaasiyiinta xukunka damacsan. Waa hubaal in wax ka bedelka xeerarkii siyaasadda ee la isla yaqiin oo ay soo maalgashteen ay ka dhigan tahay hubanti la’aan iyo u bareeridda khatarta in ay daaqadda ka baxaan, sidaas darteed marna lagama fili karo u marxabeynta billow cusub oo aan la saadaali karin natiijadiisa.

Go’aamada siyaasadda ugu wanaagsan waa kuwa dheelli tira danaha bulshada, marka ay iska horyimaadaana tixgeliya inta badan. Haddii xeerarka cusub ay meesha ka saarayaan maqaawiir siyaasadeed oo muddo ku soo jiray siyaasadda, waxaa barbar socda in ay fursad siineyso tiro badan oo wax ku biirin kara Qaranka oo uu xerada ka saaray nidaamka qabaliga ah.

Aragtiyo xisbi lagu mideeyay mise qabaa’il axsaab ku hagoogan.?

Kooxeysigu ma aha dhaqan Soomaaliyeed, markaad dib u eegto dhaqankeena reer guuraaga, way wada guuraan, wada degaan, wada duulaan, balse wax isku darsigu kuma badna sooyaalkeena, si taa lamid ah ganacsiyadeenu taariikh wadaag oo xooggan kama dhex jirto, siyaasadduna waddadaas ayey qaaday oo waxaan leenahay musharraxiin wada duula balse aan waxba wadaagin.

Howl yar ma aha helitaanka aragtiyo xallinaya dhibaatooyinka bulshada oo aad la gaar tahay, qaabeynta iyo u qareemidduna waa mid ka sii adag, balse waxay mucjiso u ekaaneysaa marka lagaa doonayo ku qancinta ku dhowaad 20 Milyan oo Soomaali ah oo la’aantood aadan xisbi talada u tartama aadan noqon doonin. Waa howl-kooxeed aad uga duwan tan hadda oo kaliya u baahan; Kirada guri olele muddo saddex bil ah, bogag Facebook iyo Twitter, sawirro iyo summad doorasho, kadibna qolkaaga fadhiga kursiga calan ag dhigato, oo nasiibkaaga ka soo qaadato hoolka doorashada.

Nidaamka labada xisbi ee la go’aamiyay oo aan ku tilmaami karo go’aankii ugu adkaa ee madax Soomaaliyeed qaataan abid ayaa yareynaya qabyaaladda siyaasadda, maadaama guusha axsaabtu ku xiran tahay in dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed uu taageero ka helo, taas oo qasab ka dhigeysa in uu la yimaado barnaamij siyaasadeed oo ay dhammaan danahooda ka arki karaan

Arrinkaan ayaa sidoo kale xal u noqonaya kala baahsanaanta awoodda siyaaasiyiinta taas oo xisbigii guuleysta siineysa tayo uu ku dhisi karo xukuumad waxqabad leh dedejisa garaangirta horumarka. Is qabqabsiga xukuumadda oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa isna noqonaya howl taariikhdu xusto oo kaliya, balse aan meel ku yaalan doonin dowladda casriga ah ee Soomaaliyeed.

Qaab-dhismeed Dowladeed oo qayaxan

Fahamka siyaasadeed ee dimuqoraadiga ah waxaa uu dalka ka hana qaaday muddadii xorriyad-doonka waxa uuna hirgalay muddadii dowladda rayadka ahayd, balse nidaam dowlad dhexe ayuu ku saleysnaa, waxaa xigay muddo ku dhow saddex laabka cumrigiisa oo uu dalku kaligii taliye joogay. Labada heer ee marjaca u ah siyaasadda dalka midna ma dhiirrigelineynin hay’ado dowladeed oo la soo wada doorto, heerar kala sarreeyana leh, waana sababta abuurtay jahwareerka Federaalka.

Heshiiskii 2004 lagu qaatay nidaamka Federaalka waxaa la fuliyay iyada oo aan xeerar loo sameyn oo aan la qayixin sida dowladdu u ekaan doonto.

Hadda oo ay dhisan yihiin inta badan dowlad Goboleedyada, la oqoonsan yahay, howlgal iyo hannaan dowladeedna leeyihiin ma xuma in lagu duldhiso shuruucdii hagi lahayd.

Dowladda Federaalka ah waxay oggolaatay oo ay ka shaqeysay dhismaha dowlad goboleedyada, taas oo ka dhigan in awooddii dowladda dhexe ay qeyb kamid ah daadajisay, tallaabadaan oo xooggeeda la qaaday 2012-2016 waa inay ka dhalataa dhismaha dowladaha hoose oo awoodda u daadejineysa deegaannada, taas oo xal u ah tabashooyinka qabaa’illada ku bahoobay hal dowlad Goboleed, balse deegaano kala duwan ku dhex leh.

Awoodo kala saaran oo ilaaliya Qaranimada iyo Xaquuqda Deegaanka

Billowga Federaalka waxa uu khalkhal geliyay jiritaanka Qaran Soomaaliyeed, marka ay timaado Amniga, arrimaha dibadda, Dhaqaalaha iyo habdhismeedka dowladaha.

Maadaama aysan jirin xeerar borotokoollada nidaamiya oo la raaco. waxaa la maciin biday dhaqan siyaasadeed oo kala qalin daarasho ah, tusaale ahaan Somaliland waxay 1992 shaacisay inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya waxaa ka dhashay ciidan gaar ah, xiriir dibadeed, calan iyo lacag summad u ah, Puntland oo 1998-dii la aasaasay oo uu xifaaltan xooggan kala dhaxeeyay Somaliland waxay raacday dhaqan u dhow, balse mabda’a guud kaga geddisan.

Markii lagu heshiiyay nidaamka Federaalka 2004 dhammaan qabaa’ilku waxay ku wada taamayeen dowlad Goboleed sida Puntland ah, dhammaan maamulladii sameysmay  ilaa haddana waxa ay raadinayaan madaxbannaani heerka ugu badan oo ay gaari karaan ilaa ay ku doodaan inay yeeshaan siyaasad arrime dibadeed u gaar ah.

Ka heshiinta Federaaleynta Garsoorka, Hab-dhismeedka ciidamada, qeybinta awoodaha, Kheyraad qeybsiga, Mideynta Canshuuraha ee lagu meel mariyay shirarkii Goloha wada tashiga dhammaan waa xadeyn shariciyeed oo soohdin siyaasadeed u sameyneysa go’aamada iyo tallaabooyinka madaxda, isla markaana ilaalineysa Qaranimada.

Intaas kaliya kuma filnaan ee waxaa muuqata in loo baahday heshiis gaar ah oo qayaxaya awoodaha saddexda lakab ee dowladeed. 124 awoodood oo dowladda Federaalka la siiyay, 45 Dowlad Goboleedka loo ogolaaday, 24 Dowladda Hoose loo xilsaaray iyo awoodaha wadaaga oo ah 31.

Awoodahaan lakala saaray kuma imaan odoros iyo waxa dhici karo oo kaliya ee waxaa laga soo xulay khibradda mashaakilkii lala soo kulmay, aqoonta siyaasadda iyo hab-dhismeedka dowladaha horumarsan oo la waafajiyay hab-dhismeedka qabiileysan ee Soomaalida.

Waafajinta Dastuurka…. Doodda waalidnimada Ukunta iyo Digaaga!

La iskuma khilaafsana in dastuurku qabyo yahay, haddana la iskuma khilaafsana in la dhameystiro, qabyo-nimadiisa ayaana sheegeysa inuusan lahayn hab loo dhameystiro oo uu isagu xusayo, sidaas darteed ayey muhiim u tahay hal abuur siyaasadeed iyo go’aamo aan caadi ahayn.

“Heshiisyada siyaasadeed oo ay qabaa’ilku (Deegaanada) gaaraan, xukuumaddu u dhigto hindise sharciyeed, baarlamaankana ansixiyo, kadibna qodobada dastuurka lagu daro, ugu dambeyna dastuurka afti lagu ansixiyo waa wadiiqo siyaasiyiintu isku wada raacsan yihiin”

Silsiladda aan soo xusay meelna ugama jiraan mas’uuliyiintii hore iyo kuwa xilalka damacsan balse aan hadda heynin wax mas’uuliyad ah, waana sababta buuqa siyaasadeed sameysay, balse maxaa looga baahan yahay haddii aysan garaangarta go’aan gaarista ku jirin!?

Jamhuuriyad Federaal ah, Nidaam is xukun Madaxtooyo (Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen), saddex heer is-maamul oo shacabku soo doortaan leh, aragtida siyaasadduna ku uruursan tahay laba xisbi, awoodda siyaasadeed sida lagu helo iyo sida lagu waayana caddahay waa sida kaliya ee lagu xaqiijin karo ammaanka iyo horumarka aan meelaha kale ka raadineyno.

W/Q: Calinuur Salaad

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here