Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo shirkadda AMEA oo kala saxiixday heshiis dhanka tamarta ah

Jabuuti (Dawan)- Shirkadda Korontada ee Jabuuti iyo shirkadda AMEA ee laga leeyahay dalka Imaaradka Carabata yaa kala saxiixday heshiis dhanka Tamarta ah oo lagu dhisaayo warshad dhalisa Tamarta Cadceedda.

Maareeyaha Shirkadda Korontada Jabuuti Jaamaac Cali Geelle, ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay qorshayaasha horumarineed ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka leeyahay dalka gaar ahaan dhinaca tamarta.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan heshiiskan la saxiixano Shirkadda AMEA  oo maalgelin doonta mashruucan. Mashruucani waa qayb ka mid ah ajendaha madaxweynaha ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan qaybta tamarta.” Ayuu yiri agaasime Geelle.

Agaasimaha ayaa sheegay in mashruuca la billaabi doona dhawaan, iyada oo la qiyaasayo inuu qaadan doono ku dhawaad 18 bilood.

Agaasimaha ayaa intaas raaciyay in Mashruucani  dabooli doono baahida koronto ee ay qabaan  muwaadiniinta Jabuuti sidoo kalen ay hoos u dhigi doonto qiimaha korontada.

“Dhismaha warshaddan waxay kor u qaadi doontaa soosaarka tamar nadiif ah, la isku halayn karo oo la awoodi karo iyadoo la tixgelinayo cimilada ku habboon sida dabaysha, iyo helitaanka qorraxda.  Ayuu yiri agaasimaha Shikradda Korontada Jabuuti

Maamulaha Shirkadda AMEA,  Xuseen Al-Noways ayaa tilmaamay muhiimadda uu mashruucaan u leeyahay dalka iyo dadka Jabuuti, isaga oo sheegay in cimilada Jabuuti ku habboonyihiin in cadceedda laga dhaliyo tamar.

“Mashruucanu wuxuu u oggolaanayaa Jabuuti inay ballaariso awoodda tamarta cadceedda iyada oo laga faa’iideysanaayo  cimilada ku habboon soo saarista tamar nadiif ah” ayuu yiri Xuseen Al-Noways

Xuseen Al-Noways ayaa sidoo kale sheegay in shirkaddoodu qorsheyneyso inay ka sameyso dhowr mashruuc oo dhanka tamarta ah dalalka Geeska Afrika si looga qeyb qaato horumarintooda.

Munaasabadda heshiiska ay ku kala saxiixdeen labada shirkadood, waxaa goob ka ahaa wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga mudane Yoonis Cali Geedi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here