Sunday, May 19, 2024

Mucaaradka Soomaaliland oo taageeray go’aaankii guddiga dhex-dhexaadinta

Hargeysa (Dawan) Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ee Waddani iyo UCID ayaa si isku mid ah u taageeray go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Soomaaliland.

Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa soo saaray in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex gala  xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Xisbiyada waaweyn ee Waddani iyo UCID ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga khilaafaadka, waxeyna sheegeen in midnimada Soomaaliland ka wayntahay wax kasta, isla markaan ay raali ka yihiin, go’aanda lasoo saaray.

Guddomiyahya xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu xisbigiisu taageeray go’aanda guddiga dhex-dhexaadinata wuxuuna yiri “ Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca xisbiga Waddani, waxaan halkaan ka caddeyanayaa  inaannu aqbalnay go’aamadii  ay soo saareen ergada dhex-dhexaadinta”

 Sidoo kale , hoggaamiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ogolaaday in doorasahda madaxtinimada iyo furista xisbiyada hal mar lawada qabto, isaga oo ku tilmaamay midnimo qaran.

“Waanu ogolaanay, annaga oo xaq u lahayn in doorashadii madaxweynaha ee tooskaa la qabto 2021 bishii November,  ayaan haddana maanta go’aan kale lasoo saaray oo la yiri ururadii siyaasadda hala is xambaariyo, waanu ogollaanay ayadana midnimada dalka  iyo nabad gelyada dalka awgeed”  ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Inkasta oo xibsiyada ugu waaweyn Soomaaliland soo dhaweeyeen go’aanka guddiga dhex-dhexaadinta hadana waxaa jira xisbiyo kale oo ka hor yimid go’aankaas kuna tilmaamay go’aamo sharci darro ah.

Aqbalaadda go’aanka guddiga dhxe-dhexaadinta ee xisbiyada mucaaradka  ayaa ka dhigeysa in xukuumadda Muuse Biixi mar kale heshay taageero uga timaada mucaaradka kadib garab istaagii ay ugu muujiyeen  dagaalkii looga qabsaday ciidamada Soomaalilnad aagga Goojacadde.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here