Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Suudaan oo kawada hadlay xal u helidda dagaalka Suudaan

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka ee dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle iyo Al-Burhaan ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal ka dhaxeeya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii looga shaqeyn laha xal u helidda dagaalka Suudaan, nabadda iyo xasilinta Geeska Afrika iyo iskaashiga arrimaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka Suudaan ayaa sheegay in ay ka go’antahay adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Suudaan iyo Jabuuti, haddii ay noqoto siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Al-Burhaan ayaa bogaadiyay Urur goboleedka IGAD oo uu Geelle ka yahay guddoomiyaha iyo kaalinta uu ka qaatay xal u raadinta colaadda dalka Suudaan, isaga oo ku baaqay in lasii dardargeliyo dadaaladda ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka Suudaan

Dhanka kale, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna sheegay in ay ka go’antahay taageerada dowladda Suudaan ee dhinacyada amniga, xasiloonida, siyaasadda Suudaan, iyo in laga ilaaliyo fargelinta dibadda uga imaanaysa.

Geelle ayaa sidoo kale sheegay in uu aaminsanyahay in xalka Suudaan uu ku jiro gacmaha reer Suudaan, dowladda Jabuutina ay diyaar ula tahay kaalmo walba oo ay Suudaan uga baahato, isaga oo walaac ka muujiyay sii socoshada dagaalka Suudaan ee khatarta ku ah midnimada iyo madax bannaanida dalka Suudaan.

Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billowday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo ciidammada kale ee kasoo horjeeda ee loo yaqaano (RSF) tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here