Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo walaac ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa ka hortimid go’aanka madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee loogu ogolaaday Soomaaliya in ay kusoo biirto ururka kadib 11 sano.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa walac looga muujiyay go’aankaas iyada oo lagu sheegay in uu xad gduub ku yahay madax bannaanida Somaliland.

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka Bariga Afrika (EAC). Waxaanu si adag u aaminsanahay in go’aankaan yahay mid xad gudub cad ku ah qaranimada Somaliland iyo madax banaanida dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri , bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Somaliland ayaa intaas raacisay in dowladda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in sheegato dhulkeeda kuna metesho ururo caalami, maadaama ay ka go’day 1991-kii.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Madaxweynae Xasan Sheekh ayaa magcaabay ergay qaabilsan arrimaha Somaliland si loo sii amba qaado dariiqooyinka xal loogu heli karo qaddiyaddaan soo jiitamaysay sannado badan.

Walaaca Somaliland ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii siddeedaad ee ka mid noqda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) kadib shir Madaxeedka 23-aad ee lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniinteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here