Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo ciidan cusub usoo direysa Soomaaliya

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa tababar gaar ah iyo munaasabad sagootin ah u sameysay 817 askari oo ka tirsan ciidamadeeda, si ay uga qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Ciidamadaan loo soo dirayo Soomaaliya ayaa qeyb ka nqon doona howlgalka ATMIS, waxa ayna beddeli doonaan ciidamo kale oo ku sugna gudaha Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalkaas, Jeneral Sakariye Sheekh Ibraahim iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda sagootinta Ciidanka, iyaga oo kula dardaarmay garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyo ka qeyb qaadasahada sugidda amniga iyo nabadeynta dalka.

“Waxaan halkaan ku sagootineynaa dufcadii 11-aad ee ‘Hiil-walaal’ oo ka qeyb qaadan doonta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya . Waxay beddeli doontaa dufcaddii 9-aad oo labadii sano ee la soo dhaafay ka howlgaleysay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan” ayuu yiri Taliye Sakariye.

Taliyaha ayaa sheegay, in, in kasta oo hoos loo dhigay xasilooni darradii ka jirtay Soomaaliya in hadana loo baahanyahay in lasii joogteeyo howlaha lagu sugayo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya, si xasilooni waarta loogu soo dabbaalo dhammaan deegaanada iyo gobollada dalka.

“Waxaan ku hanweynahay in Soomaaliya ay soo ceshato maqaamkeedi mar kale. La shaqeeya ATMIS, iyo ciidamada Soomaaliyeed, ha cabsanina, maskaxda ku haya taageerada Madaxweynaha. Guul ayaan idiin rajeyneynaa” ayuu Taliyuhu kula dardaarmay ciidadamada.

Dowladda Jabuuti ayaa ahayd Dowladdii seddexaad ee kusoo biirta howlgalka Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya bishii December 2011, waxa ayna soo dirtay askar gaareysa 960 kuwaas oo qeyb wayn ka qaatay soo celinta iyo nabadda Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti ayaa saldhigyo ku leh Magaalooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan , waxayna ka garab dagaalameen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, si Gobolka looga saaro Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirtay Dowladdda sannadihii lasoo dhaafay.

Sida ay dhowr jeer sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, ciidamada Jabuuti ayaa inta badan taageero u fidiya dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Beledweyne, iyaga oo gacan ka geysta abaabulka iyo daad gureynta dadka xilliyada roobabka oo Wabigu sameeyo fatahaado.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo billaabay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

June 2023 waxaa dalka laga saaray 2000 oo askari taas oo qeyb ka ahayd qorshaha ilaa 20,000 oo asgari ay dalka uga baxayaan dhamaadka 2024 oo ku asteysan muddada loo qorsheeyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ay uga baxaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here