Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ku dadaaleysa in ay taageero ka hesho dowladaha dhaxdhaxaadka ah

Kampala (Dawan)- Shir madaxeedka Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah ayaa toddobaadkan ka furmaya Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, iyada oo ay Dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sdii ay taageero buuxa ugu heli lahayd Dowladahaas.

Bilaawgii bishaan, Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad ah la gashay Somaliland, kaas oo u ogolaanaya in ay hesho Bad ay u adeegsato ganacsi iyo ciidan, iyada oo aqoonsan doonta madax bannaanida Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ayaa doonaya in ay Xubanaha Dowladahaan ku qanciyaan sidii ay u muujin lahaayeen taageeradooda iyo garab istaagga madax bannaanida, midnimada dhuleed iyo xurmada gobanimada Soomaaliya.

Xamsa Aadan Xaadow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiisku uu xad gudub ku yahay midnimada iyo gobanimada Soomaaliya sidaas darteed ay usii wadi doonaan dadaalladda lagu xaqiijinayo taageerada caalamka iyo Dowladaha dhaxdhaxaadka ah.

Isbaheysiga Dowladahaan oo afka qalaad lagu yiraahdo ” non-aligned-movement-summit” ayaa dhidibada loo taagay sannadkii 1955-kii, waxaana kasoo qeyb galay shirkii Bandung 29 dal.

Afkaarta la isagu keenay Dowladahaan oo hadda gaarya ilaa 120, waxaa iska lahaa Ra’iisul Wasaarihii Hindiya, Jawaharlal Nehru, Madaxweynihii Masar, Jamaal Abdinaasir iyo Madaxweynihii Yugoslavia Tito.

Labada maalin ee soo socota, waxaa xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya shir ka yeelan doona Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta iyo urur Goboleedka IGAD oo ku shiri doona dalka Uganda si xal deg deg ah looga gaaro khilaafka labada dal u dhaxeeya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here