Saturday, July 27, 2024

Kenya oo loo doortay hogaaminta hay’adda dalxiiska adduunka ee UNWTO

Nairobi (Dawan)- Kenya ayaa loo doortay inay guddoomiye u noqoto Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee UNWTO kadib shirkii Hay’adda ee ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain.

Wasaaradda Dalxiiska ayaa sheegtay in Kenya ay ku guuleysatay hoggaanka Hay’adda kadib labo wareeg oo codbixin ah, iyadoo ka adkaatay dalalka Thailand iyo Malta.

Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska Kenya, Alfred Mutua ayaa ku tilmaamay guushaan mid taariikh ah oo usoo hoyatay dalkiisa iyo dhammaan muwaadiniinta Kenya maadaama Kenya ay go’aan ka gaari doonto arrimaha saameeya dalxiiska caalamka.

“Guushan waxay muujineysaa kalsoonida ay dalalka xubnaha ka ah UNWTO ku qabaan hoggaanka Kenya iyo awoodda ay ku hagi karto qorshaha ururka ee ku aaddan tartanka dalxiiska,” ayuu yiri Mutua.

Wuxuu intaas ku daray in dalxiisku uu tiir muhiim ah u yahay dhaqaalaha Kenya, isagoo xusay in hoggaaminta Hay’adda Dalxiisaka Adduunka ay u ogolaanayso in xubnaha kale ee UNWTO ay la wadaagaan qaabeynta siyaasadda, dhisidda iskaashiga, iyo horumarinta hababka ugu wanaagsan ee dalxiiska.

Agaasimaha fulinta ee UNWTO, Zoritsa Urosevic ayaa Kenya ugu hambalyeysay in ay qabato hoggaanka Hay’adda Dalxiiska, iyadoo qirtay guulaha Kenya ay ka gaartay dhanka dalxiiska.

“Waxaan Kenya ku ammaanayaa sida ay uga go’an tahay horumarinta dalxiiska, maadaama ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu horeeyo dhanka dalxiiska ee Afrika. Kenya waxay soo kordhi doonta khibrad qiimo u horseedi doonta shaqada Guddiga ee horumarinta tartanka iyo dalxiiska UNWTO,” ayay tiri Urosevic.

Guddiga UNWTO ee Dalxiiska iyo Tartanku wuxuu u shaqeeyaa sidii madal iskaashi oo ka dhaxeysa Dawladaha xubnaha ka ah si kor loogu qaado tartanka wax-soo-saarkooda, hal-abuurka, iyo hubinta koritaanka joogtada ah ee dalxiiska adduunka oo dhan.

Kenya ayaa xilka guddoomiyaha Hay’adda Dalxiiska Adduunka hayn doonta muddo saddex sano ah, laga billaabo 2024 ilaa 2027.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here