Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo Danjire cusub u magacaawday dalka Congo

Kinshasa (Dawan)- Madaxweynaha dalka Congo, Felix Tshisekedi , ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Maxamed Burhaan Cali oo  noqon doona Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhi doona dalkaas, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.

Danjire Maxamed Burhaan Cali  ayaa  farriin  uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle guuddoonsiiyay Madaxweynaha Congo , isaga oo  ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweynaha Congo  ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjire Maxamed Burhaan Cali , isaga oo u rajeyayay inuu ku guuleysto shaqada loo soo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna ballan qaaday in dowladdiisu kala shaqeyn doonto fududeynta howlihiisa shaqo.

Tillaabadaan ayaa ka mid ah ujeedooyinka ay dowldda Jabuuti ku dooneyso in ay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka qaaradda Afrika iyo guud ahaan dunida kale.

Danjire Maxamed Burhaan Cali, ayaa hadda ah Danjiraha Jabuuti u qaabilsan dalka Ivory Coast, waxaana fadhigiisu ahaan doona magaalada Abidjan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here