Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo ku laabtay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta oo Jimca ah dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka iyo dagaalka Kooxada Al-shabaab ee ku sugan deegaanada hoos taga Maamul Goboleedyada Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa xarun u ahayd Madaxweyne Xasan 2-dii bil ee lasoo dhaafay, inkasta oo lagu eedeyay in aan guul weyn laga gaarin dagaalkii lala galay Kooxda Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo kusoo weerartay Dhuusamareeb kuwaas oo geystay khasaaro, inkasta oo ay dowladdu sheegtay in la fashilay weeraradaas.

Warbixintaan ayaan ka diyaarinay 2-dii bil ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku sugnaa Dhuusamareeb ee daawasho wacan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here