Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo garab istaag u muujisay Liibiya

Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Jabuuti ayaa garab istaag u muujisay dowladda iyo shacabka Liibiya oo wajaha xaalad aad u adag kadib duufaantii dalkaas ku dhufatay oo sababtay dhimashada dad ka badan laba kun iyo burburka magaalooyin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusf ayaa bartiisa “X” kusoo qoray “ Kadib dhul-gariirkii ka dhacay Boqortooyada Marooko oo galaaftay nolosha kumannaan qof, hadana waxaa ku dhacay Walaalahayn Liibiya musiibo dabiici ah oo ka dhalatay duufaan sababtay daadad geystay waxyeello badan”

Wasiirka ayaa intaas raaciyay “ Waxaan u rajeyneynaa dadkii ku dhaawacmay soo kabasho deg-deg ah, waxaana ka tacsiyeynya dadkii ku geeriyooday”.

Mas’uuliiinta Liibiya ayaa sheegay in dadka ku  geeriyooday daadadka ay  kor u dhaafeen laba kun oo qof, halka la weysanyahay dad ka badan tobon kun oo qof.

Af-hayeen u hadlay laamaha gurmadka ayaa sheegay inay jiraan xaafado dhan oo daadadku la simeen dhulka.

Dowladda Liibiya ayaa ka codsatay caalamka iyo dowladaha saaxikba la ah in ay lasoo gaaran gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo dadkii ku waxyeelloobay duufaantii ku dhufutay dalkaas.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, Cabdulxamiid Dbeibah ayaa shir deg-deg ah isagu yeeeray hay’adaha kala duwan ee dalkas iyo mas’uuliyiinta magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday, isago oo faray in la qaado tallaaoobyinka lagama maarmaanka ah ee lagu yaren karo khasaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here